KASHIFAAD: Israel oo kulankii abid ugu horreeyey iskugu keentay xoogga Carabta & Sababta (Dal aadan ka filayn oo dhex fadhiyey)

0

(Hadalsame) 27 Juun 2022 – Markii ugu horreeysey, ayuu taliye ka tirsan Ciidamada Israel uu wada hadallo la yeeshay dhiggiisa Carabta, kuwaas oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada Sacuudiga Fayyad Bin Hamed Al-Ruwaili, kulan ka dhacay magaalada loo dalxiis tago ee Sharm El-Sheikh ee Masar, sida uu daabacay wargayska  Wall Street Journal.

Wadahadallada, oo uu garwadeen ka ahaa Maraykanka ayaa dhacay bishii Maarso, waxaana ajendaha ka mid ahaa wada-hadallo ku saabsan sidii loo sahmin lahaa fursadaha agaasin ka dhan ah gantaalaha Nukliyeerka ah lagu eedeeyey inay Iran haysato iyo halisaha sii kordhaya ee dayuuradaha aan duuliyaha lahayn iwm.

Sida laga soo xigtey WSJ, waxay ahayd markii ugu horreeysay oo ay saraakiil sare oo Israa’iil iyo Carab ihi ay kulmaan qorshe hoos imanaya millateriga Maraykanka si ay uga wada hadlaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen wax lagu sheegay ”khatar guud” oo ay wada leeyihiin.

Marka laga soo tago Taliyaha Sucuudiga ee Al-Ruwaili iyo kan Israel ee Aviv Kochavi, waxaa wada-hadalladan sidoo kale ka qaybgalay saraakiil sare oo ka tirsan millateriga Qatar, Jordan, Masar, UAE iyo Bahrain.

Arrintan ayaa ka dhigan in Israel ay ku guulaysatey tillaabi istaraatiji ah oo wayn, taasoo ah inay halista Iran uga iman lahayd ay ballaariso oo kusoo darto Carabta si ay uga faa’iidaysato dhaqaalaha iyo xoogga ay hayaan, dhibkii yimaadana ay ula wajahaan.

Hadalsame Media