Jabuuti oo soo bandhigtay hub aanay dad badani ogayn inay haystaan + Sawirro

0

(Hadalsame) 27 Juun 2022 – Dowladda Jabuuti ayaa maanta maamuusaysa 45-sano guuradii kasoo wareegtey markii ay 1977-kii ay xornimada ka qaateen dalka Faransiiska ee gumaystey.

Jabuuti oo Maalinta Gobannimada aalaaba samaysa rigo ciidan oo bandhig dhoollatus sameeya ayaa soo bandhigay hub casri ah oo aanay dad badani ogayn inay haystaan.

Waa dayuuradaha bilaa duuliyaha ah ee Turkish-sameega ah ee Bayraktar TB-2 UCAV, kuwaasoo dagaallo badan oo dunida ka dhacay wacdaro ka dhigay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada daroonnadan oo lagu xamaalayo abraarro waawayn, iyadoo ay tahay markii ugu horreeysey ee hubkan lasoo bandhigo oo ay Jabuuti bannaanka keento.

Hadalsame Media