Talis dhan oo uu Ruushku leeyahay oo dambaska laga dhigay & dalka ku deeqay hub casri ah oo loo adeegsadey (Daawo)

0

(Hadalsame) 27 Juun 2022 – Tobaneeyo askari oo Ruush ah ayaa lagu diley duqayntii ugu horreeysey abid ee Ukraine ay ku qaadday mid ka mid ah xarumaha taliska Putin kuwaasoo loo adeegsadey gantaalaha riddada dheer ee Maraykanka, sida ay Kyiv sheegtay.

Ugu yaraan 40 ka mid ah Ciidamada Moscow ayaa dhintay kaddib markii Ciidamada Ukraine ay adeegsadeen nidaamka HIMARS ee Maraykanka si ay u qarxiyaan saldhig u dhow magaalada Izyum ee gobolka Donbas, sida ay sheegeen taliyayaashu.

Muuqaallo soo baxaya ayaa muujinaya natiijada ka dhalatay weerarka, oo ay ku jiraan dhismayaal la qarxiyey iyo baabuurta sahayda siday oo lagu rinjiyeeyey astaanta dagaalka ee ‘Z’ oo dambas noqday.

Ciidanka taliskan la duqeeyey ayaa waxay ka tirsan yihiin Ciidanka 20-aad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Ruushka ee ‘Degmada Milateri ee Galbeedka, cutubka 89425, oo asal ahaan saldhigiisu yahay Voronezh.

Ruushka ayaa qirtay weerarka oo ay sheegeen in loo adeegsaday HIMARS, balse waxay ku doodeen inay ku dhaceen isbitaal ayna ku dileen laba qof oo rayid ah.

U.S. Army Soldiers, assigned to Bravo Battery, 1st Battalion, 14th Field Artillery Regiment, 75th Field Artillery Brigade, prepares a M142 High Mobility Artillery Rocket System for a dry fire during a HIMARS Rapid Infiltration exercise as part of DEFENDER-Europe 22 at Bornholm, Denmark, May 24, 2022. DEFENDER-Europe 22 is a series of U.S. Army Europe and Africa multinational training exercises within U.S. European Command’s Large Global Scale Exercise construct taking place in Eastern Europe. As part of the annual U.S.-led exercise, parts of the Danish army, navy, and air force train littoral defense from Bornholm and in the Baltic Sea as part of the bilateral training exercise led by the United States in order to build readiness and interoperability within the NATO allies. (U.S. Army photo by Capt. Angelo Mejia, 5th Mobile Public Affairs Detachment)

 

Hadalsame Media