Dal Muslim ah oo ku yaboohay adeeg ay u wada guuxeen Ruushka & Ukraine

0

(Hadalsame) 27 Juun 2022 – Dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku yaboohay “kaalmo” ay gacan kaga gaysanayaan isdhaafsiga maxaabiista ay kala haystaan Ruushka iyo Ukraine, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Ruushka ee RIA Novosti, iyadoo soo xiganeysa ilo sharci fulineed.

Soo jeedinta Imaaraadka ayaa la tixgalinayaa oo laga baaraandegayaa, xilli la qorshaynayo liisaska ciidamada la doonayo in la isku bedesho, ayaa lagu yiri warbixinta.

Ruushka iyo Ukraine labaduba waxay sheeganayaan inay qabteen tiro badan oo askarta kale ah tan iyo markii Moscow ay sheegtay inay ololaheeda millateri ka billowday waddankan deriska la ah dabayaaqadii bishii Febraayo.

Wasiirka Difaaca Ruushka, Sergey Shoigu, ayaa sheegay 7-dii bishii Juun in ku dhowaad 6,500 oo dagaalyahanno reer Ukraine ah ay hadda gacanta ugu jiraan Ruushka.

Saraakiisha Ukraine ayaa horey u sheegay inay dhaceen ilaa 11 wareeg oo isdhaafsi maxaabiis ah, kuwaas oo tobannaan maxaabiis ah la isku dhaafsaday.

Hadalsame Media