2 dal oo hor leh oo kusoo biiray ururka BRICS ee Galbeedka la xafiiltama (Mid baa Muslim ah)

0

(Hadalsame) 27 Juun 2022 – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa si rasmi ah u gudbisey codsigeeda ku biiritaanka kooxda shanta waddan ee dhaqaalahoodu soo korayo ee ka kooban Brazil, Russia, India, China, iyo South Africa, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tehran ayaa sidaa ku dhawaaqday Isniintan.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Madaxwaynaha Iran uu todobaadkii hore khudbad ka jeediyey shirka BRICS.

In kasta oo BRICS aysan ahayn koox gashay heshiis rasmi ah, haddana waxay leedahay “hab-howleed hal abuur leh oo dhinacyo badan leh,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Saeed Khatibzadeh Isniintan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Tasnim.

Waxa uu Wasiirku intaa ku daray in Tehran ay horayba kooxdan BRICS ula yeelatay “la-tashi xiriir ah” oo ku saabsan codsiga ay haatan gudbiyeen.

Xubinnimada Iran waxay “wax ku kordhinaysaa” dal kasta oo ku jira ururkan, ayuu yiri Khatibzadeh, isagoo xusay in xubnaha BRICS ay yihiin ilaa 30% GDP-ga adduunka iyo 40% dadwaynaha adduunka.

Jimcihii, Madaxwaynaha Iran, Ebrahim Raisi, ayaa ka hadlay shir-madaxeedka dhanka khadka ah ee BRICS oo ay martigelisey Beijing, wuxuuna muujiyay sida Tehran ay diyaar ugu tahay inay kooxdan la wadaagto awooddeeda iyo suurtagalnimadeeda.

Argentina ayaa waxay kaloo codsatay inay ku biirto BRICS. Madaxwayne Alberto Fernandez ayaa xitaa Jimcihii kooxdan ku boorriyey abuurista habab iskaashi oo meteli kara beddelka hay’adaha gaarka ah ee sida muuqata ay u maamulaan ama u taagan danta Galbeedka.

Hadalsame Media