DARAASAD: Saaxiibtinnimada dhabta ah oo la ogaadey inay ka faa’iido badan tahay intii la filayey

0

(Hadalsame) 27 Juun 2022 – Jaamacadda University of Virginia ayaa cilmi baaris muddo dhawr iyo toban sano socotay waxey isku dayday iney ku ogaato doorka saaxiibtinimadu ka qaadato in dadka noloshu u fududaato iyo iney caqabadaha nolosha uga gudbaan iskaashiga saaxiibtinimada.

35 ka mid ah ardeyda Jaamacadda oo meelo buuraley ah dalxiis u aaday ayaa si tijaabo ah macallimiintu u weydiiyeen inta ay ku qaadan karto iney buurta la fuulaan boorsoyin culus oo la eg qofkasta 20% oo culeys kiisa ah. Ardeyda keli keliga ahaa, waxey sheegeen iney ku adagtahay iney buurta saaraan, halka kuwii saaxiibadood la socdeen sheegen iney u fududahay.

Cilmibaarista waxaa lagu sheegay in dhibaatoyinka badan ee adduunka waxaa fududeeyey ee ugu weyn ay tahay saaxiibtinimada, waxey sheegeen iney ogaadeen in xitaa badqabka qofka iyo caafimaadka doorweyn saaxiibtinimadu ka qaadato, ayna tahay saaxiibtnimadu qoyska labaad ee dadku helaan reerahooda kadib, qofkastana nolosha ku hormaro hadba inta uu haysto saaxiibo wanaagsan.

Dalkeenna iyo dadkeenna Soomaaliyeed waxyaabaha ugu badan ee qofkasta noloshiisa laga dareemayo waa is gacan qabashada saaxiibtinimada ku dhisan, laakiin muddooyinka dambe waxaad mooddaa in dhaqan kaas wanaagsan ay ku socoto suurad xumeyn.

Waxaad arkeysaa waxyaabo badan oo ka mida waxyaabaha loo yaqaanno (Emotional Corruption based Friendship) sida qof si uu dantiisa ugaaro qof iyo labo ula saaxiibaya, waxaad kaloo arkeysaa mid kale oo si uu daboolo qalad uu dad iyo deegaan kale ka galay dartiis dad iyo deegaan kale saaxiibo uga sameysanaya.

Xeerarka aan qorneyn ee saaxiibtinimada kuma jirto in qasab lagu dhaliyo ee waa dhaqan iskiis si dabiici ah u abuurma, ee gacan ku sameyska halaga daayo iyo jaranjar ku fuulka shacuurtooda dadka kale.

W; D: Maxamed Royal

Hadalsame Media