RW Barre oo adeegsadey dabuubtii ugu horreeysey ee dood dhalis ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 26 Juun 2022 – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee DF Somalia, Xamsa Cabdi Barre, oo shalay codka kalsoonida ka helay Baarlamanka Federaalka ah ayaa ballanqaaday in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka dalka ka jira sida abaaraha, amniga iyo dhamaystirka Dastuurka qabyada ah IWM.

Yeelkeede, wareysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda BBC-da, ayaa wuxuu ku sheegay inay dowladdiisu ay sidoo kale xoogga saari doonto sidii Soomaaliya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ku dheehan tahay ay ugu wada hadli lahaayeen oo isu hor fariisan lahaayeen.

“Arrinta waan go’nay iskama imaan, sababo ayaa jiray, mashaakilaad ayaa jiray. Mashaakilaadkaas in la taabto oo si dhab ah loo wada hadlo oo walaaltinnimo ah, oo ehelnimo ah ayaan dooneynaa,” ayuu ballanqaaday Wasiirka Koowaad oo soo jeediyey in loo baahan yahay in laga garaabo goonni isu taagga Somaliland..

RW Xamse ayaa sidoo kale mar uu ka khudbaynayey munaasabad lagu maamuusayey Maalintii ugu horreeysey ee Calanka Buluugga ah oo xor ah la suray ciid Soomaaliyeed oo ah 26-kii Juun 1960-kii wuxuu sheegay inuu ilaalin doono inaan lasii damqin nabraha kala gaarey Soomaalida.

Wuxuu ballanqaaday inay xukuumaddiisu keeni doono tabo siyaasadeed oo isu soo dhowaynaya ”labada shacab”, waloow uu markii dambe saxay oo sheegay inay yihiin hal shacab oo is khilaafsan.

Maanta ayaa ku beegan 26-ka Juun oo ah maalintii gobollada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, iyagoo 4 maalmood kaddibna ku biiray gobollada koonfureed.

Hadalladan RW Barre ayay dad badani doodo kala duwan ka keeneen, iyagoo ay qaar qabaan inuu yahay hadal saaxi ah oo waaqici ah, halka dad kale ay qabaan in kelmadaha qaar ay yeelan karaan micne siyaasadeed oo ay tahay in 2 jeer laga fikiro kahor inta aan la adeegsanin, sida go’itaan laga garaabayo iwm.

Hadalsame Media