Horta aan dabbaaldegnee ma nahay duul xor ah & dowlad madax bannaan? (Imisa gumaysi ayaa na dul saaran?)

0

(Hadalsame) 26 Juun 2022 – Dabaaldegga 01-da Luulyo 1960-kii oo ku asteysan markii uu Gumeystihii Talyaanigu ka harsan waayay Geesiyaashii Gobonimo doonka ahaa ee Gobolada Koonfureed uu ku yiri xornimadiina qaata, sidoo kalena xambaarsan midowgii labada daraf ee Waqooyi & Koonfurta Soomaaliya, islamarkaana ay dadka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan ay sanad walba maalintaas oo qudha soo xasuustaan una dhigaan xaflado waaweyn iyaga oo korkooda iyo dharkooda ku soo xardha Calanka buluuga ah.

Goobtana ku soo bandhiga khudbado taariikhihii hore ah oo waan xorownay iyo dhiig baa u daatay u badan iyo heeso loo qaaday waagaas xuriyadda,dabadeedna saqda dhexe inta Calanka la saaro oo xabado dheemash ah kor loo rid-rido ayaa lagu kala dareeraa goobta, balantuna waa sanadka dambe iyo inta nolol ku gaarta.

Inta ka horreeysana uu Qof walba huwado Calan xaafadeed kiisa , waana mid ka mid ah qorshayaasha uu gumeystaha cusubi u dejiyey in lagu kala qeybiyo Soomaalida awoodeeda iyo Calankii buluuga ah ee ay xuriyaddooda ka dib ku midoobeen.

Waa sax Xuriyadda aan maanta ku faaneyno dad baa u shahiiday una soo silcay, Waase dabeecad lala qabsaday ilaa 60-kii in si isku mid ah sanad walba loo maamuuso 26-Juun iyo 01-da Luulyo, iyadoo aan marna leys weydiin ileyn waqtiga iyo duniduba meel qudha ma taagnee maxaa isbedalay iyo halkee maanta ku sugan nahay.?

-Labadii daraf ee shalay midoobay maanta xagee kala joogaan.?

-Yaa mar labaad kala qeybiyay oo kala masruufa oo sii kala fogeynaya?

-Goboladii Koonfureed yaa 10-ka Calan ka taagay?

-Yaa Soomaalida ka hortaagan in 30 sano ay yeelato dowlad macno leh?

-Ma dad iyo dal xur ah baan nahay?

-Dowladdii aynaan dooran markii gacmaheena lagu dumiyay kadib, dowladihii dalku yeeshay ma Soomaali baa dhisatay mise waa leynoo soo dhisay?

-Federaalkan nalaku kala qobqobay ee 10 ka Madaxweyne dhalay ma inagaa dooranay waa MAYA .marka ma xur baan nahay?

-Dastuurka dalka ma Soomaali baa qoratay mise waa loo qoray?

-Soomaaliya iney Ciidamo awood leh dhisato, tababarato, oo maamulato, Go’aankooda ma Xur bey u tahay? WAA MAYA.!!

-Madaxweynaha, Xukuumadda & Baarlamaankeenu ma xor baa sow dad la biilo maaha oo go’aanadooda iyo fikirkoodaba lala wadaago?

-inkabadan 40-dal Ciidamadooda ayaa dalka jooga ma Soomaalidaa lagala tashaday waa MAYA, ma xur baan nahay?

-Ilihii dhaqaalaha ee dalkeena ayaa naloo maamulaaye ma xur baan nahay?

-Alshabaab & Alqaacido yaa dalkeena ku abuuray?

– Iminka ragaa isku daalnaye iney Soomaalidu wada taageerto, ama heshiis dhab ah la gaarto ama xoog isaga saarto ma xor bay u tahay? WAA MAYA,

– Go’aan dhab ah ma ka qaadan kartaa dowladdeenu waa MAYA ma Xor baan nahay marka?

Intaas & inkaloo qarsoon oo gumeysi ah baan maanta ku jirnaa balse waxaa xaqiiq ah in uusan maanta dalkeena ka jirin Gumeysi na adoonsanaya oo la mid ah kuwii ay awoowayaasheen iska dulqaadeen ee awooda qoriga ku dhisnaa ee Talyaaniga , Engriiska,& Faransiiska, waayoo noocaas hada waa laga ilbaxay waxaana 30-kii sano ee la soo dhaafay iyo 30 kaleba ku sii socon doonaa wadadii uu noo jeexay Gumeysi maskaxeedka casriga ah oo aynaan ka leexan karin maadaama uu ku xidideystay meelihii mmuhiimka u ahaa In dalka iyo dadku ay ka xoroobaan sida:-

•Gumeysi Dhaqaale (Economic Colony)

•Gumeysi Siyaasadeed, ( Political Economic)

•Gumeysi dhaqan, (Cultural Colonies)

•Gumeysi Maskaxeed, ( Colonization of the brain)

•Gumeysi Horumareed, ( Colonization developments)

•Gumeysi nololeed ( Life Colonies)

•Gumeysi Amni , ( Colonial Security) iyo halbowlayaal kale oo nalaka gumeysto balse aynaan badankeenu fahamsaneyn.

GABAGABO:- Soomaali hadaan nahay waa inaan su’aalo badan iska weydiinaa faa’do iyo khasaaro wixii aan ka dhaxalnay Xuriyadda 62-da sano jirsatay ee aynu sanad walba u dabaaldegno, & sida aan mar labaad uga XUROOBI laheyn Gumeysi maskaxeedka casriga ah ee nalookugu bedalay kii Adoonsiga ee qoriga ku dhisnaa welina nalaku heysto .!!!

HADII KALE, WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHALAAYINA!

W; Q: Faarax Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media