”Nairobi xaniinyaha ayay ku dheggan yihiine hallala dagaallamo!” – Gayfane Kenyan oo Soomaalida ku tilmaamay kuwo ”bililiqaysanaya” magaalada (Jawaab yaab leh oo la siiyey

0

(Nairobi) 26 Juun 2022 – Siyaasiga Kenyan-ka ah ee Polycarp Igathe oo sidoo kale ah ganacsade iyo maamule shirkadeed, kaasoo madaxa ganacsiga ka ah shirkadda Equity Group Holdings, horayna u caddeeyey inuu u sharraxan yahay Maamulka magaalada Nairobi, ayaa weerar cad ku qaaday Soomaalida.

Igathe oo Kikuuyo ah kana hadlayey madal ganacsi ayaa taabtay sida uu u arko waxa ka khaldan Maamulka magaalada Nairobi ee uu barasaab ahaanta uga sharraxan yahay isagoo Soomaalida ku eedeeyey inay wax ka maamulaan daaha gadaashiisa, isagoo arrinta qabyaaladaynaya.

”Kikuuyadu waxay baarlamanka magaalada ku leedahay 45 xubnood, waxaase xukuma 3 qof oo Soomaali ah.” ayuu yiri Igathe oo sheegay inay awal Kikuuyadu ahaan jirtey libaaxyo, balse haatan ay noqdeen ”baqti-cunayaal”, sida uu u tibxay.

Gayfanaha Twitter-ka ee Kenyan-ka ah ee Lord Abraham Mutai ayaa kaba sii daray oo dhinac kastaba uga sii dheereeyey Igathe oo uu weliba sheegay in aanu difaacayn, isagoo sheegay in la ”dhacayo Nairobi” dadkaasina ay tahay in ”lala dagaallamo.”

”Ma difaacayo Polycarp Igathe, laakiin waa saxan yahay. Waxaa jira koox yar oo ka kooban ilaa 5 qof oo Soomaali ah kuwaas oo bililiqaysanaya Gobolka Nairobi. Waxay ku hayaan magaalada ka hayaan xiniinyaha,” ayuu ku bilaabay.

”Mar aan iyaga ku soo qoray Twitter-ka waxay iigu hanjabeen inay maydkayga ku tuurayaan Seerada Xayawaanka ee Tsavo. Waa in lala dagaallamo!” ayuu raaciyey isagoo dagaal iclaaminaya.

Qarreenka caanka ah ee Cabdinaasir Cabdullaahi ayaa usoo qoray jawaab kaftan ah balse si dadban u iftiiminaysa khiyaaliga sheegashada Mutai isagoo leh: ”Maxaa maydkaaga loo gaynayaa Tsavo? Waa meel dad u fog oo uu kharash badani ku baxayo…miyaanay ahayn?!”

Khamisi Olunga ayaa isna usoo qoray in laga fiican yahay in la guudeeyo xaaladda ummad dhan oo ay taasi ka dhigan tahay in xaqiiqadii laga weecanayo oo ay ahayd inuu ka hadlo 4 qofood oo qura.

Hadalsame Media