Xujeeyda Soomaaliyeed oo markale ADEEG xumo & dayacaad ka ashtakoonaysa!!

0

(Maka) 25 Juun 2022 – Waxaa sanad kasta Xajka u qalab qaata Muslimiin ka kala timaadda daafaha caalamka, si ay u gutaan waajibaadka Xajka oo ka mid ah 5-ta tiir Islaam ee asaasiga ah.

Dadka Xajka sanad kasta aada waxaa dabcan ka mid ah dadwaynaha Soomaaliyeede ee Muslimka ah, waxaa mar kale laga soo sheegayaa daruuf adag oo soo food saartay kumannaanka Soomaalida ah ee sanadkaan Xajka u tagay Sacuudiga si ay waajibkaa u gutaan.

Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah daryeel la’aan, dayacaad, xitaa dadka qaar oo lacago uun laga qaato balse aanba xitaa Xajka la keenin, qaar yimid oo la daayay iyagoo aan helin waxyaabo ay u baahnaayeen iyo adeeg heer ahaan hooseeya oo ay la kulmeen Xujeeyda Soomaalida ah, marka loo bar bar dhigo ummadaha ka soo xajiyey dalalka kale.

Kaaga darane, Somalia ayaa ka mid ah dalalka ugu qaalisan ee laga soo xajiyo tiiyoo uu dalku ka mid yahay kuwa ugu faqrisan dunida.

Tusaale, shirkadaha xujeeyda qaada ayaa la sheegayaa inay calaa madax ka kaashteen 5,300 oo Doollar balse dadkaasi waxaa lagu daadiyey wadooyinka Sucuudiga oo weliba la sheegay in looga dhuuntay, sida ay wararka qaar nagu soo gaarayaan.

Arrintan ayaa sidoo kale dhacday markii ugu dambaysey ee si wadareed loo xajiyo kahor intaanu dunida kala xirin caabuq-sidaha Covid-19, sida aad ka aragtaan muuqaalka hoose oo ku beegan Agoosto 2018-kii.

Hadalsame Media