”Xildhibaannada Kikuuyada waxaa wax u yeeriya 3 qof oo Soomaali ah” – Siyaasi Kenyan ah oo Soomaalida beegsaday & siyaasi u jawaabey (Daawo)

0

(Nairobi) 25 Juun 2022 – Siyaasiga Kenyan-ka ah ee Polycarp Igathe oo sidoo kale ah ganacsade iyo maamule shirkadeed, kaasoo madaxa ganacsiga ka ah shirkadda Equity Group Holdings, ayaa caddeeyey inuu u sharraxan yahay Maamulka magaalada Nairobi.

Igathe oo Kikuuyo ah kana hadlayey madal ganacsi ayaa taabtay sida uu u arko waxa ka khaldan Maamulka magaalada Nairobi ee uu barasaab ahaanta uga sharraxan yahay ayaa weerar dadban ku qaaday Soomaalida oo uu sheegay inay wax ka maamulaan daaha gadaashiisa, isagoo arrinta qabyaaladaynaya.

”Kikuuyadu waxay baarlamanka magaalada ku leedahay 45 xubnood, waxaase xukuma 3 qof oo Soomaali ah.” ayuu yiri Igathe oo sheegay inay awal Kikuuyadu ahaan jirtey libaaxyo, balse haatan ay noqdeen ”baqti-cunayaal”, sida uu u tibxay.

Siyaasiga Soomaaliyeed ee Aadan Ducaale oo hadalka siyaasigan oo uu ”xishood la’aan” ku tilmaamay ka fal-celinaya ayaa soo qoray sidatan:

”In Qabyaaladiistahani uu sidaa xishoodka la’aanta ah u dhex mushaaxey saaxadda ganacsiga ee casriga ah waa nasiib darro iyo qalafsanaan. Waa wax aad looga naxo inay ka imanayso qof ku andacoonaya inuu wax bartay oo yahay kabtanka wax soo saarka,” ayuu ku bilaabay.

”U beegsiga bulshooyinka dano siyaasadeed oo rakhiis ah waa heerkii ugu sarreeyey quusta. Reer Nayroobi way xugminayaan oo gebi ahaanba diidi doonaan mashruucan liita.” ayuu raaciyey Ducaale.

Hadalsame Media