Ruushka oo Ukraine ku ridey gantaal casri ah oo dayax-gacmeedka lagu hago + Sawirro

0

(Hadalsame) 25 Juun 2022 – Ruushka ayaa Ukraine u ssticmaalay gantaalaha cusub ee 9M54 oo dayax-gacmedka lagu hago, sida laga xaqiijiyey raadadkiisa.

Gantaalkan waxaa markii 1-aad la ganay bishii Maarso 2022 oo loo adeegsadey Pokrovsk – oo ku taal Donbas Oblast, bariga Ukraine, balse haatan waxaa markale la adeegadey 22-kii bishan Juun oo lagu ridey Donetsk isla Donbas.

Gantaalaha 9M54 oo laga gano hannaan dhowr dhuumood leh oo badiyaa 6 ka kooban, ayaa loogu talagalay in lagu burburiyo bartilmaameedyo ay ka mid yihiin dhufaysyada adag, baabuurta aan xabaduhu karin iyo kuwa fudfudud, xarumaha taliska, xarumaha isgaarsiinta, iyo goobaha ay ka dhisan wershadaha ciidamada iwm.

Gantaalka 9A52-4 Tornado waxaa inta badan la saaraa gaariga Ruushka ah ee Kamaz waxaana saaran matoor nafto ah oo la awood ah 360 faras isagoo leh 8 × 8 taayar, kuna socon kara xawaare dhan 90 km/saacaddii.

Waxaa gantaalkan oo sidoo kale lagu rakibo gaariga kale ee Ruushanka ah ee Ural-4320, uu jari karaa masaafo dhan 120 km.

Hadalsame Media