”Caddee dalka aad daacad u tahay Somalia & Kenya?!” – Aadan Ducaale oo fal-celin adag kala kulmay xaflad uu ka qaybgalay + Sawirro

0

(Nairobi) 25 Juun 2022 – Siyaasiga Aadan Ducaale ayaa sheegay inuu ka qaybgalay xaflad wayn oo lagu soo dhowaynayey RW Xamse Cabdi Barre oo maanta lagu ansixiyey Baarlamanka DF Somalia.

Xiriirka adag ee ka dhexeeya bulshada Soomaalida ayaa keenaya inaan ka soo qayb galo xaflad wayn oo lagu qabtay Sir Ali Sports Club ee magaalada Nairobi oo ay ka socotay xafladii lagu maamusayey Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.” ayuu yir Aadan Ducaale oo qoraal kooban soo saaray.

Yeelkeede, waxaa markiiba ka fal-celiyey Kenyan iyo Soomaali fara badan, iyadoo ay kuwa hore si wayn diiradda u saarayeen duritaanka daacadnimadiisa ku aaddan dalka Kenya, iyagoo u riixaya dhanka Somalia.

Markaa daacadnimadaadu waa dhanka Soomaalida ee ma aha Kenya?!” – ayuu waydiiyey John Otieno, kaasoo ay Soomaali magaciisa ka garatay inuu Luhya yahay ay u sheegeen inuu isaguba daacad u yahay reerkiisa.

Mid dooro.. ma muwaadin Soomaaliyeed baad tahay mise Kenyan?” ayuu waydiiyey Robert Gitonga.

”Waa in woqooyiga Kenya lagu daro Soomaaliya sababtoo ah ma dareemaysid inaad tahay qayb ka mid ah Kenya, lamana joogi kartid timo adagteenna!” ayuu yiri Kassim Shabban.

Kikuuyadu ma degi kartaa Muqdisho oo ma yeelan karaa xaafad dhan sida Eastleigh?” ayuu is waydiiyey Kipmeno Klejinga.

WAXAAN U SHEEGEYNAA DHAMAAN SOOMAALIDA NAYROOBI INAY ISKA CAABIYAAN IGATHE HADDII KALE WUXUU BURBURIN DOONAA GANACSIYADIINNA SIDII UU BALAN QAADAY.” ayuu yiri Cornelius Mutai.

Hadalsame Media