YAX YAX: Ciidanka Ruushka oo uu kusoo noqday gantaal ay rideen + Sababta & Muuqaal

0

(Hadalsame) 24 Juun 2022 – Ruushka ayaa la kulmay yax yax, ceeb iyo weliba khasaare, kaddib markii uu kusoo jiireeyey gantaal ay rideen oo ku dhacay isla halkii laga ganay.

Muuqaalkan kooban ayaa la sheegay inuu maanta ka dhacay magaalada Alchevsk ee Gobolka Luhansk ee Bariga Ukraine oo ay Ruushku haystaan.

Kaaga darane, gantaalkan ayaa loo ridey inuu qabto dayuurad Ukraine ah oo weerar soo ahayd, sida ay warbixintu sheegayso.

Khasaare ayaa la sheegayaa inuu jiro, balse xog badan lagama hayo xaddigiisa.

Sababta soo noqoshada gantaalka ayaa lagu sheegay inay ugu wacnayd jahawareer qabsaday hannaanka uu wax ku raadiyo gantaalku.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media