Daroon uu Turkigu sameeyey oo rikoodh naadir ah dhigay + Muuqaal

0

(Ankara) 24 Juun 2022 – Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Akinci ee Turkigu sameeyo ayaa dhigtay rikoodh cusub oo dhanka joogga duullimaadka ah, sida ay sheegtay shirkadda soo saartay.

Diyaaraddan aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano (UCAV) Akıncı ayaa ku duushay joog dhan 45,118 oo cagood (13,716 mitir), sida ay Baykar Makina ku sheegtay hadal ay soo dhigtay barta Twitter-ka.

Diyaaraddan oo ku qalabaysan laba matoor oo 750 faras ah, lana yiraahdo Bayraktar Akıncı B, ayaa sidaas ku jabisey rikoorkii ay hore u haysatey, markii saddexaad.

According to Baykar’s statement, Bayraktar Akıncı B, which took off on June 21 to perform endurance, high altitude and high-speed tests in the presence of the Presidency of Defense Industries (SSB) and Air Force Command delegations broke the record for the highest altitude achieved with a national aircraft.

Bayraktar Akıncı B, oo kacday 21-kii Juun, ayaa ku duushay joog sare iyo xawaare badan oo ka dhigan rikoorkii ugu sarreeyey ee ay samayso dayuurad Turki-samee ah, iyadoo ay goobjoog yihiin madax ka socota Wershadaha Difaaca (SSB) iyo Taliska Ciidanka Cirka, sida lagu sheegay warka Baykar Makina.

Hadalsame Media

Facebook Comments