Ukraine oo qarax ku diley nin Ruushku madax uga dhigay gobol uu ka qabsaday

0

(Hafaldame) 24 Juun 2022 – Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka uu Ruushka ka sameeyey gobolka Kherson ee Ukraine laga qabsaday ayaa lagu dilay dil muuqda, kaasoo u dambeeyay weerarro xiriir ah oo ka dhan ah maamullada uu Ruushka taageero.

Dmitry Savluchenko, oo ah madaxa qoysaska, dhalinyarada, iyo waaxda isboortiga ee maamulka millateriga iyo rayidka ee Kherson, ayaa lagu diley qarax bam goor dhow.

Ku xigeenka hoggaamiyaha gobolka Kherson, Kirill Stremousov, ayaa wakaallada Wararka ee RIA Novosti u xaqiijiyey haybta qofka dhintay.

end of list

Adeegga saxaafadda ee maamulka rayidka iyo millateriga ee magaalada ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Ruushka ee TASS inuu ahaa “dil qorshaysan”, iyaga oo intaa ku daray in sarkaalku uu ahaa qofka kaliya ee lagu dilay qaraxa.

TASS ayaa sheegtay in qaraxu uu gubey labo baabuur ah, islamarkaana uu burburiyey daaqadaha guri afar dabaq ah oo halkaasi ka ag dhowaa.

Hadalsame Media