Xeelad loo arkay mid lagu lunsanayo deeq ka timid Sucuudiga & Qadar oo ay su’aalo ka taagan yihiin

0

(Muqdisho) 23 Juun 2022 – Wasiir Khadiijo M. Diiriye ma dagaal eyey wali kula jirtaa Guddoomiye Sacdiyo, mise farsamo xumo ayey ka tahay?!

Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dumarku wali waxay xasuusan yihiin mowqifkii ay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ka qaatay Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin 28,kii Abriil ee sanadkan xilli ay u taagnaayeen Labaduba qabashada xilka Guddoomiyaha.

Xildhibaan Khadiijo oo ka cararaysay in xilkaas ay qabato qof dumar ah oo saameysa doorka ay ku leedahay Xukuumadda Soomaaliya ayaa si bareer ah habeenkaas u sheegtay in ay u tanaasushay Maxamed Cumar Caananuug, halka ay dhagaha ka furaystay baaqyadii haweenka ee ahaa in ay u codka ku biiriso haweenayda kaliya ee ku hartay tartanka oo ahayd Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Tallaabadaas oo haween badan ay si weyn uga dhaliileen baraha bulshada ayaa u muuqatay dagaal soo hormaray oo labada Xildhibaan uga bilowday gudaha Hay’adaha dowladda.

Iyadoo halkaas xaal joogo ayaa saaka waxaa barteeda Facebook qoraal soo dhigtay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, waxa ayna ku sheegtay in deeq ay saaka kala wareegtay dowldaha Qatar iyo Sucuudiga ay ku wareejisay Guddoomiye Sacdiyo Salaad.

Dad badan ayaa dood ka keenay durba sababta Guddoomiye Kuxigeen Baarlamaan loogu wareejiyey deeq aysan u haysan keyd iyo bakhaaro sharciyeysan, loogana sugayn qorshihii lagu qeybin lahaa.

Guddoomiye Sacdiyo ma iyadaa qaybinaysa deeqda, sidee u qaybinaysaa? Halkee ku kaydinaysaa? Maxaa Guddoon Baarlamaan deeq qaybin ka khuseeya iwm?

Waa su’aalo dhowr ah oo durba tuhun geliyey dad badan oo xogta deeqdan ka daalacday bogga Wasiir Khadiijo.

Tifaftirka

Hadalsame Media