”Wuxuu ka daba tegey ilmihiisii!” – Nin ay hal shil ku dhinteen 3 carruur ah oo uu dhalay oo is diley (Cadaalad darro uu tirsanayey)

0

(Toronto) 23 Juun 2022 – Nin reer Toronto ah ayaa is diley in ka badan hal sano kaddib markii ninkii diley saddex caruur ah oo uu dhalay lagu sii daayey cafisvggeed buuxa kaddib markii uu 4 sano oo kaliya ku xirnaa.

Saddexda carruurta ah oo kala ahaa; Edward Lake, Daniel, 9, Harry, 5 iyo Milly, 2, ayaa waxaa diley darawal sakhraansan oo maalqabeen ah oo la yiraahdo Marco Muzzo, oo hadda 35 jir ah, Sebtembar 2015-kii.

Daniel ayaa ku dhintay isla goobtii shilka, halka Harry iyo Milly ay ku wada dhinteen cisbitaalka carruurta ee degaanka wax yar kaddib markii la sheegay in maskaxdu ay ka dhimatay.

Xilligaas wuxuu aabaha is diley saxaafadda u sheegay: ‘Indhaha marka aan isku qabanno, waxaan arkaynaa ilmihii oo dhan. Tani waa calwasaad aan abid taegi doonin.

Intii lagu guda jirey ridistii xukunka Muzzo, Edward oo asliyan kasoo jeeda dalka Philippines wuxuu ku celiyey silaciisa isagoo qabey fikrado is-dilid wuxuuna yiri: ‘Adiga daraaddaa, hadda waxaan la noolaanaynaa argagaxan nolosheenna inta ka harsan.’

Muzzo waxa uu sheegay in uu ka laacay saddex ilaa afar cabitaan. Heerka aalkolada dhiiggiisa ku jirtey ayaa ku dhowaad saddex jeer ka badnayd xadka sharciga ah.

Edward ayaa maydkiisa la helay Isniintii, Juun 20. Wuxuu ahaa 49 sano jir. Sidoo kale shilkan naxdinta leh ee galaaftay nolosha caruurtiisa ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay soddogiis iyo caruurta awoowohood Gary Neville oo 65 jir ahaa.

Caruurta ayaydood, Neriza Neville, iyo hooyada iyada sii dhashay, Joseina Frias, ayaa ay dhaawacyo darani kasoo gaareen shilka, balse way ka badbaadeen. Neriza Neville ayaa gaariga kaxaynaysey.

Ninka ilmaha shilka ku diley

Hadalsame Media