MURUGO: Arrin lagu mitaalay aflaamta cabsida oo Hargaysa ka dhacday

0

(Hadalsame) 23 Juun 2022 – Saldhigyadeenna bilayska waxaa galay dadqallo, hadii aynaan maanta iska gaadhinna cawaaqib xumada ka dhalata ay taariikhdu in badan ka sheekayn doonto.

Sida ay maxkamaddu caddaysay muwaadinkan Maxamed Cali wax dembi ah muu gelin, iyada oo marka horeba ay xadgudub ahayd in la xidho muwaadin aan dembi lahayn, haddana waxaa ka sii fool xun in si kibir ah dad magacyadooda la garanayaa ay saldhigga bilayska dhexdiisa ku tunteen, dhaawac xunna xiniin ka gaadhsiiyeen. Haddana falkaas kaddib bilaysku uu u diiday in dhaawaciisa xarun caafimaad la geeyo. Sideed maalmood ayaanu isaga oo ay xaaladdiisa caafimaad liidato ka dhex waliilayey saldhigga bilayska qarankiisa. Lama deynayn ee hadba waxaa la weydiinayey su’aalo liita iyo qolomaad tahay, sida uu isagu sheegay. Gabbood falkaas iyo tacaddigaasi waa kaas sababay in maanta xiniintiisii oo dhimatay qalniin lagaga soo tuuro.

Dawladnimadu waxa ay dawo ka tahay in muwaadinku uu sharciga gacantiisa ku qaato, waxa aanay innaga kaxaynaysaa dhaqankii Soomaalida ee aarsiga iyo kala fogaanshaha bulshada ahaa. Kaas oo ka imanaya marka uu dhibbanuhu garanayo kii dulmiga iyo dhibta u geystay oo sharcigii iyo nidaamkii dawliga ahaa aanu waxba uga qabanayn. Ragga maanta qaranka hoggaaminayaa jidka ay innagu hagayaan waa kaas foosha xun iyo gudcurkii aynu shalay dirqiga kaga soo samatabaxnay.

Maanta kii inanta jid weynaha ku dhex garaacayey iyo kii muwaadinka sharcidarrada ku xidhan xiniinyaha burburiyey labadiiba waa la garanayaa, sidaas awgeed si aanu u abuurmin dhaqan aarsi ama muwaadiniin sharciga gacanta ku qaata, ragga xukunka iyo sharciga dalka haya ayaa laga rabaa in ay dembi-falayaasha sharciga la hor keeno.

W; Q: Khadar Xuseen Cabdi

Hadalsame Media