Magaalooyinka dunida ugu nolol fiican oo la qiimeeyey (Muqdisho maku jirtaa 10-ka ugu liita?)

0

(Hadalsame) 23 Juun 2022 – Sahan caalami ah oo ay hay’adda samaysay Unugga Sirdoonka Dhaqaalaha (Economist Intelligence Unit), ayaa 173 magaalo oo caalami ah lagu qiimeeyey.

Waxaa diiradda la saaray sida ay magaalaba uga nolol fiican tahay kuwa kale, iyadoo la xeerinayo halbeegyada xasilloonida, dhaqanka iyo degaanka, waxbarashada iyo kaabayaasha, iyo daryeelka caafimaadka IWM.

Magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai ee Imaaraadka Carabta ayaa ugu boos wanaagsan booska magaalooyinka lagu noolaan karo Bariga Dhexe, iyadoo labadooduba ay kala galeen 77aad iyo 79aad, siday u kala horreeyaan.

Magaalada Vienna ee dalka Austria ayaa kaalinta koowaad kaga jirta liiska caalamka. Caasimada Austria, oo u dhacday kaalinta 12-aad ee qiimaynta horraantii 2021-kii markii madxafyadeedii iyo makhaayadaheedii la xirey Covid-19 dartiis, ayaa dib ugu soo laabatay kaalinta koowaad, booskaasoo ay haysey 2018 iyo 2019-kii.

Halkan hoose ka eeg 10-ka ugu sarreeya iyo 10-ka ugu hooseeya oo ay Muqdisho ka baxday.

Magaalooyinka ugu nolosha wanaagsan (Most liveable cities in 2022)

1. Vienna, Austria

2. Copenhagen, Denmark

3. Zurich, Switzerland

4. Calgary, Canada

5. Vancouver, Canada

6. Geneva, Switzerland

7. Frankfurt, Germany

8. Toronto, Canada

9. Amsterdam, Netherlands

10. Osaka, Japan and Melbourne, Australia

10-ka ugu nolosha xun (Least liveable cities in 2022)

1. Damascus, Syria

2. Lagos, Nigeria

3. Tripoli, Libya

4. Algiers, Algeria

5. Karachi, Pakistan

6. Port Moresby, Papua New Guinea

7. Dhaka, Bangladesh

8. Harare, Zimbabwe

9. Douala, Cameroon

10. Tehran, Iran

Hadalsame Media