Su’aalo culus oo ka dhashay kiiska Cabdiwahaab ee ka dhanka ah RW Rooble & danta laga lahaan karo

0

(Hadalsame) 21 Juun 2022 – Waxaan ujeedaa mashiinno la kiciyay oo la rabo in kiiska Ikraan Tahiil lagu daboolo oo u horeeyo Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, weliba la xoojiyay wareysigi mudane Fahad Yaasiin ee isku markhaati-furka ahaa kadib..

Waxbadan kama dhahaayo xukuumaddi N&N sababtay ugu mintiday gacan ku heynti NISA uguna bedelatay mansabyo kale…

Waxaase muhiim ah Prof Cabdiwahaab arrinkiisa inaan iska waydiinno sabab keeni karta in loo adeegsado ciidan dalkiisa ah oo calooshood u shaqaystayaal ah oo Dowladda Kenya waxba ka ogayn ma dhici kartaa?

Inta baraha bulshada iyo saxaafadda ka hadasha waxba kama duwana isagu… khatar laga baqay oo ka abuurmaysaana ma jirin, marka laga qiyaas qaato xaaladda dalku uu ku jirey.

Wuxu sheegay in nimanka afduubtay la siiyey Boqol iyo Labaatan kun oo Doollar, howsha kaddibna la siin doono Boqol iyo Sideetan kun oo Dollar.. nimankaana heshiis iskood ah galay Dowladda Kenya oo aan waxba ka ogayn, kaddibna ay Dowladda Kenya ku baraarugtey oo sidaa lagu soo daayey.

Meeshaas fal dembiyeed baa ka dhacay oo u sahlaysa inuu ku dacweeyo kuwi afduubtay, sidaasna Dowladda Kenya garab kaga heli lahaa, maadaama ku baraarugeeda kiiskan ay naftiisu ku badbaaddey… ma sameeyey? Waa maya!

Markii Mudane Fahad Yaasiin hadlay oo yiri arrinka Prof Cabdiwahaab xaqiiq baan hayaa inuu RW Rooble ka dambeeyey, welibana la dili rabey oo ilaa haddana naftiisu khatar kujirto, markaas ayuu Prof Cabdiwahaab laba-kacleeyay oo warqado soo dhigay baraha bulshada, Dowladda Sweden-na sheegay inuu ka furanaayo dacwad, islamarkaana Dowladda Kenya ka codsaday inay siiso askar naftiisa ilaalisa… haddana waxa uu leeyahay Soomaaliyana Maxkamad baan ka furan… Yaab maahanoo?!

Dalkii uu falka ka dhacayna oo uu ka sheegay warbaahinta kiisas dacwogal ah waa ka soo jeestae… meeshaas waxaa ka cad durbaanno xoog loo tumaayo oo la rabo in Ikraan kiiskeedii lagu daboolo laakiin waxaa ku cad in aan si miisaan leh loo qidadin, sidaas darteed waxan leeyahay, Dowladdu waa inay aamusnaanteeda ku joogto ilaa inta xaqiiqadu imaanayso markaas iyadaaba la kala dhuuman doonaaye.

Ergay baan u diray ayuu yiri RW Rooblow ama ii dhaaro inaadan dembi gelin ama cafis i waydii..! Dadka ma ilmo ayuu moodayaa…?!!

GOCASHO – Ikraan hooyadeed ma dhalin iyadoo dacaayad xooggan ah baa suuqa la keenay, iyadoo weliba la yiri waxaa dhashay islaan reer woqooyi ah iyadoo haweeney kale oo reer Mandheera ah muuqaal ilmo ka dhumay laga soo gooyey… aqoon xumida meeshaas baad ka arki.

Qaarna waxey yiraahdeen Degmada Jilib bay nin ajnabi ah ugu ilmo dhalaysaa….

Dadkan dhiigag la daadshey baa karkarinaaya!

SOOMAALIYA NASIIBKEED!

W; Q: Cilmi Guuleed

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media