Sucuudiga, Xulka Somalia oo loo garaacay Astaan aan ahayn midda rasmiga ah ee dalka (Daawo)

0

(Dammaam) 21 Juun 2022 – Dalka Sacuudiga Carbeed ayaa martigelinaya koobkii lixaad ee Tartanka Futsal Cup ee Carabta 2022, kaasoo shalay ka furmay magaalada Dammaam ee dalkaasi, isagoo socon doona Juun 20-28.

Somalia ayaa ku guruub ah dalalka Marooko, Muritaaniya iyo Kuwayt, waxayna kulanka 1-aad shalaytoole saacaddu markii ay ahayd 16:30 la ciyaartay xulka Muritaaniya oo 8-1 uga badiyey Somalia.

Dalkeenna Somalia ayaa ku jira guruubka qura ee 4 xul ka kooban, halka labada guruub ee kale ay min 3 dal ku jiraan.

Yeelkeede, Xulka Somalia ayaase la kulmay arrin ku saabsan Astaanta Calanka Somalia oo ka hooseeysa heerkii laga doonayey waxaana la qaatay nooc aan rasmi ahayn oo muusig organ ah lagu garaacay, taasoo ah arrin marar badan dhacda.

Muuqaalka hoose guji qaybta ay ku qoran tahay ”Watch on Facebook” si aad u daawato.

Waxaa wanaagsan in la diyaariyo astaan macquul ah sida middan oo la garaacay xilli ay Somalia ka qaybgeleysey Olombikadii London 2012-kii.

Hadalsame Media