XOG: Dowladda Kenya oo agaasin gaar ah u diyaarisay MW Somalia ee Xasan Sheekh

0

(Nairobi) 20 Juun 2022 – Kenya ayaa sheegatay inay ku dhowdahay inay dib u hesho suuqa Miroowga ee Soomaaliya iyadoo heshiis la filayo in la saxiixo horraanta bisha Luulyo ee soo aaddan.

CS Peter Munya ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in wadahadallada u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay galeen heerkii gebagebada iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

“5-ta Luulyo, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya mar uu ka hadlayey ololaha Azimio ee Garoonka Kinoru stadium ee Maamulka Meru county.

Yeelkeede, xogo kale oo soo baxaya ayaa tibaaxaya in Madaxwaynaha DF Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, uu dalka Kenya ku tegi doono booqasho rasmi ah oo 2 maalmood qaadan doonta, taasoo ku beegan 4 ilaa 5-ta Luulyo.

Xogta aannu helayno ayaa intaa raacinaysa in Kenya ay Xasan Sheekh u agaasimo doonto soo dhowayn heer sare oo iska gadid ah (charm offensive), iyadoo loo samayn doono salaan sharaf loo ridi doono 21 madfac.

Weli DF arrintan ma xaqiijinin mana beeninin, balse waxay wararku sheegayaan in la geli doono dhowr heshiis oo laba geesood ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin ganacsiga Jaadka Miiroowga, oo ay labada dowladood kala saxiixan doonaan.

Lama sheegin shuruudaha kale ee ay wadato DF Somalia oo naaqus ganacsi (trade deficit) gelisa Somalia, marka la isu geeyo qarada ganacsiga dhex mara labada dal oo ay Somalia si wayn ugu dhacan tahay.

Kenya ayaa sidoo kale sii wadda faragelinta qaawan ee arrimaha gudaha Somalia, iyadoo todobaadkii tegey oo qura samaysay laba fal oo daandaansi ah, sida duqaynta Gedo iyo khalad diblomaasiyadeed oo ay markii dambe ”raalligelin” ka bixisay.

Hadalsame Media