”Aan sugno iyaga ayaa soo gurguuranaya!” – Ruushka oo Maraykanka ku gaadaya heshiis istaraatiji ah

0

(Moscow) 20 Juun 2022 – Ruuska ayaa waxa uu dareemaya in isku dayga uu ku doonayo inuu Maraykanka kagala xaajoodo kordhinta heshiiska Nukliyeerka ee New START uu arkayo calaamad daciifnimo, sidaas darteed wax wadahadal ah waa in aan lala gelin ilaa Washington ay bedesho hab-dhaqankeeda, sida uu sheegay Madaxwaynihii hore ee Ruushka ee Dmitry Medvedev maanta.

“Wax xiriir ah lama lihin Maraykanka hadda. Waa eber hadda. Ha yimaadeen ama hasoo gurguurteen oo hanna baryeen. Waana inay weliba taa u arkaan fal deeqsinimo ah oo dhankeenna. Ma dhacayso inaan inta u tagno aan niraahno, ‘fadlan, nala gala heshiis nukliyeer.” ayuu Medvedev ku qoray baraha bulshada.

Heshiiska New START waa heshiis ku saabsan dhimista hubka nukliyeerka oo laba geesood ah una dhexeeya Maraykanka iyo Ruushka. Waxa uu xaddidayaa kaydka labada dal ee madaxyada nukliyeerka iyo iyo gantaalaha xambaara. Intii uu Madaxwaynaha ahaa isla Medvedev ayaa wuxuu heshiiskan la saxiixday Madaxwaynihii Maraykanka ee Barack Obama bishii Abriil 2010-kii.

Heshiiska ayaa lagu daray shan sanadood oo dheeri ah sanadii hore ee 2021-kii, iyadoo uu ka gaarey Madaxwayne Joe Biden oo daqiiqadihii ugu dambeeyey ka badbaadiyey inuu dhaco, taas oo ahayd sidii uu damacsanaa Madaxwaynihii isaga ka horreeyey, Donald Trump.

Hadalsame Media