”Si cad ayay iigu hanjabeen!” – RW hore ee Pakistan oo dal wayn oo reer Galbeed ah ku eedeeyey riditaankiisii

0

(Hadalsame) 20 Juun 2022Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa sheegay in Maraykanku uu ugu hanjabey dowladdiisa “cawaaqib” haddii aan xilka isaga laga qaadin. Khan ayaa lagu ridey codka kalsoonida bishii Abriil.

“40-kii sano ee la soo dhaafay, hoggaankeennu wuxuu asal ahaan u hoggaansamayey wax kasta oo uu Maraykanku naga dalbaday,” ayuu Khan u sheegay Sunday Times.

Raiisal Wasaarihii hore ayaa wuxuu Washington ku eedeeyey wax uu ku sheegay “kibir boqortooyo” iyo faragelinta arrimaha gudaha ee dalkiisa.

Khan ayaa sheegay in danjirihiisa Washington uu u soo diray xiriir diblomaasiyadeed bishii Abriil kaas oo ku saabsanaa kulan uu la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya, Donald Lu.

Sida laga soo xigtey Khan, Lu wuxuu u sheegay diblamaasiga in Pakistan ay la kulmi doonto “cawaaqib” haddii aan Ra’iisul Wasaaraha xilka laga qaadin. Lu wuxuu kale oo u xaqiijiyey in “wax kasta laga cafin doono” haddii xilka laga tuuro, sida uu Khan sheegay.

Khan ayaa sheegay in dhaleecaynta uu u jeediyey dagaalka Afgaanistaan ​​ay ka mid tahay waxyaabihii dhaliyey carada Washington. “Maraykanku weligood ma fahmin dhaqanka dalka ama dadka ay la macaamilayaan.” ayuu ku dooday.

Xiddigii hore ee Xulka Cricket-ka Pakistan, Khan ayaa xukunka qabtay Agoosto 2018-kii, markii xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) uu ku guulaystey doorashada. Afar sano kaddib, baarlamaanka ayaa xilka ka qaaday iyadoo lagu eedeeyay maamul xumo.

Hadalsame Media