”Lacagta aad hubka ugu iibinaysaan Ukraine annagaa u baahan!” – Xarunta EU oo durba laga dareemay culaysta cunaqabataynta Ruushka (Daawo)

0

(Brussels) 21 Juun 2022 – Mudaaharaad ay soo qaban qaabiyeen ururrada shaqaalaha oo ay ka qaybgaleen dad gaaraya 70,000 ilaa 80,000 oo mudaaharaadayaal ah ayaa isniintii buux dhaafiyey waddooyinka magaalada Brussels, taasoo keentay in magaaladu ay istaagto.

Marka laga soo tago muujinta carada kor u kaca ee qiimaha nolosha ee Belgium, qaar badan ayaa cambaareeyey isbahaysiga NATO ee uu Maraykanku hoggaamiyo iyo ku lug lahaanshahooda colaadda Ukraine.

Ururrada shaqaalaha ayaa sheegay in 80,000 oo qofi ay ka soo qaybgaleen mudaaharaadka, halka booliisku ay sheegeen in tirada dadka usoo baxay ay ku dhowdahay ilaa 70,000, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Marka laga soo tago waddooyinka saxmadda noqday, dibadbaxa ayaa sidoo kale sababay in la joojiyo duullimaadyadii Garoonka Brussels, iyadoo ururrada shaqaalaha ah ee matala ammaanku ay sameeyeen shaqo joojin.

Waloow ay waddooyinka gaadiidka dadwaynaha ee agagaarka magaaladau ay ku shaqaynayeen awood aad hoos ugu hooseeysa xajmigoodii caadiga ahaa.

Sicir bararka ayaa 9% ku dhuftay Belgium bishan Juun, taasoo ah midkii ugu sarreeyey muddo afar iyo toban sano ah. Iyada oo ay hoos u dhacday awoodda wax iibsiga dadku, dibad-baxayaashu waxay dalbadeen mushaar kordhin iyo canshuur dhimis.

Si kastaba ha ahaatee, qaar badan ayaa xaaladahooda dhaqaale ee xumaanaysa wax ka saaray nidaamka cunaqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Ruushka iyo isbahaysiga NATO oo u deg degey inay hubeeyaan Ukraine.

Dibad-baxayaashu waxay ka dalbanayeen in hogaamiyayaashoodu ay “lacag ku bixiyaan mushaharooyinka, ee maaha inay ku bixiyaan hub,” waxayna ku dhawaaqayeen “jooji NATO.”

Waxaa xusid mudan in Brusselss ay todobaadyo uun kahor ka dhacayeen dibed-baxyo lagu dalbanayey in ”Putin la joojiyo” iyo in ”Ukraine la taageer”, balse dadku waxay hadda dareemayaan kulka dabkii ay wax ka daareen.

 

Hadalsame Media