Xog ku saabsan cidda xirtey degelka Cali Yare & halka laga sameeyey “shahaadada geerida” been abuurka ah

0

(Hadalsame) 20 Juun 2022 – Waxaa si yaab leh loo xannibay degelka uu Facebook ku leeyahay Cali Yare Cali, kaasoo loo calaameeyey inuu “dhintay.”

Yeelkeede, Cabdinaasir Sola oo arrimaha IT-ga u dhuun daloola ayaa sheegay in in Facebook-ga Cali Yare laga xirey magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta.

Cali oo loo calaameeyey inuu dhintay 18-kii bishan Juun ayaa shakhsiga warqadda dhimashada Facebook u diray, wajigiisa iyo magaciisa la hayaa, sida uu sheegay Sola.

Wuxuu intaa raaciyey in Isbitaalka DUBAI uu qofkani ka sameeyey waraaq BEEN ABUUR ah, isla kaamarada ammaanka ee isbitaalka (CCTV) ayaana soo bandhigay waraaqdaasi.

“Facebook-giisu wuu soo laabanayaa insha Allaah.” Ayuu yiri Sola.

Cali Daacuun oo isna ka mid ahaa taageerayaashii baraha bulshada ee nidaamkii hore ayaa isna “marxuum” ahaan loo calaameeyey.

Arrintan ayay dad badani qabaan in si wayn loo dhaliilo loona diido maadaama ay tahay suququl iyo cabburin ay shacbigu iskula kacayaan oo aan cidna u roonayn.

Waxaa horay u jiri jirtey in kooxo nidaamkii hore oo weerarro ku qaadi jirey koontooyin ay dad gaar ihi leeyihiin, marka looma baahna arrintaasi, sida ay qabaan dadka waxgaradka ihi.

Hadalsame Media