XOG: Hadalkii Deni oo la sheegay in “kas” loo dusiyey & 3 ujeeddo oo ka dambeeya

0

(Hadalsame) 20 Juun 2022 – Jihada cusub ee Siyaasadda Puntland.

Waa faham wanaagsan in warqadihii wiiftada ahaa ee sumaddeedu ahayd “Waa qaadacnay, nala ka lama tashan iyo waa diidnay” in loo weeciyey dhanka warbaahinta oo xogtii kulanka Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka si ku tala-gal ah ay Madaxtooyadu ugu dusisey Wariyeyaal, kana codsatay in ay qoraalkaas sidiisa ugu baahiyaan.

Ujeedka laga leeyahay hanjabaadda ah “120 cisho ayaan ka war sugaynaa dowladda cusub” waa farriin ku wajahan hab-qeybsiga Golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, macnaheeduna yahay ha naloo ku roonaado saamiga, cidda xilka Wasiirrada noo qaadanaysana anigaa soo qoraya.

Arrinta kale ee ah “Waa la i khayaamay iyo tafahaa la i qabsaday” iyaduna waa farriin la rabo in la iskaga dhaqo xulafaysigii 3-dii sano ee la soo dhaafay ay dadka Puntland ku dhaliishanaayeen Madaxweyne Deni, waana ifafaalada in ay kala xarig furan doonaan isaga iyo xulafadiisii gudaha Puntland.

Isku soo duuduuboo nuxurku waxa uu yahay “Reer Pudlaanoow waa ka towbad keenay qoladii aad igu nebcsysateen ee Labo san iyo bar igu sharfa, sidaa rabtaan baan idin noqon, dagaal Federaal oo hor lehna waa ina sugaayaaye.”

W; Q: Maxamuud Bashiir Jaamac

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media