”Ciddii doonaysa haka soo iibsato!” – Midowga Yurub oo mar qura qaadday cunaqabatayn ay horay Ruushka u saartay

0

(Hadalsame) 20 Juun 2022Qof kasta oo raba inuu iibsado raashinka Ruushka iyo bacriminta wuxuu sidaa samayn karaa isagoo xor ah oo aan cabsi ka qabin cunaqabataynta oo aan khusayn doonin alaabtan, ayuu yiri Madaxa Siyaasadda Dibedda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, oo hadlayey goor dhow.

“Cunaqabataynteennu ma beegsanayso cuntada,iyo bacrimiyeyaasha. Qof kasta oo doonaya inuu soo iibsado cunto iyo dawada bacriminta Ruushka, way samayn karaan, wax caqabado ihina ma jiraan… oo waan u xaqiijin karnaa,” ayuu yiri Borrell warbaahinta la hadlayey kahor kulan uu la yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub, kaas oo lagu wado in diiradda lagu saaro sidii jid loogu furi lahaa xabuubka Ukraine ee ku xayiran dekedaha Badda Madow iyada oo ay weli dalkaa ka socdaan iskahorimaadyo millateri.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa la yaab leh, sababtoo ah cunaqabataynta Midowga Yurub ayaa bartilmaameedsanaysey maraakiibta Ruushka oo ay dhowr xabbo la wareegeen, taasoo keentay in qamadiga iyo bacrimintu ay aad uga qaali garoobaan suuqa caalamiga ah, gaar ahaan 2-dii bilood ee tegey.

Ukraine, oo sidoo kale ah dambiil cunto oo wayn, ayaa gaartey heer ay dhoofin waydo badarkeeda, gaar ahaan dhanka badda.

Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO ayaa ku qiyaasay in inta u dhaxaysa 22 milyan ilaa 25 milyan oo tan oo xabuub ah hadda lagu hayo dekedaha Ukraine.

Hadalsame Media