Shiinaha oo tijaabiyey gantaal lagu qabto baalistigga & qaabka uu u shaqeeyo + Jaantuska

0

(Bejing) 20 Juun 2022 – Shiinaha ayaa sheegay in ay sameeyeen tijaabinta gantaalaha lidka baallistigga taasoo lagu guulaystay Axadii shalay. Farriin kooban oo ay soo saartay Wasaaradda Difaaca dalkaasi ayaa sheegtay in tijaabadan oo lagu sameeyey gantaalkan oo ah nooca dhulka laga rido ee qabta gantaalaha baalistiggu uu ku guulaystey dhammaanba tijaabooyinkii laga qaaday.

Bayaanku ma shaacinin faahfaahin badan oo ku saabsan dabeecadda tijaabada, marka laga reebo in la sheegay kaliya inay ka dhacday habeenkii iyadoo lagu sameeyey gudaha xudduudaha Shiinaha ujeedkuna yahay difaac.

Wadar ahaan tijaabada uu Shiinuhu sameeyey ilaa 2010-kii ee gantaalaha lidka baalistiggu waa lix ABM (anti-ballistic missile), balse midkan iyo mid kale oo la tijaabiyey Febraayo 2021-kii ayaa ah nooca ah dhexda wax ka qabta (midcourse counteraction).

Erayga “midcourse” macneheedu waxa weeye in gantaalka cadowga lala xaalayo marxaladda kicinta kaddib (boost phase), taas oo ah midda gantaalla baallistigga ee qaaradaha isaga gudba lagu gelinayo hawada sare (space), kahor inta aanu gantaalku dib ugu soo noqon hawadan caadiga ah (atmosphere), si uu u garaaco bartilmaameedkii lagu soo ganay.

The US Ground-Based Midcourse Defense (GMD) is meant to strike incoming missiles in space, with interceptor silos built in California and Alaska.

Maraykanka ayaa laba saldhig oo ah nooca Qabtayaasha Dhulka-yaalla ee Marxaladda Dhexe (GMD) oo loogu tala galay lagu qabto gantaalaha baalistigga ee kasoo laabta hawada sare wuxuu ka dhisay Gobollada California iyo Alaska.

Hadalsame Media

Facebook Comments