”Waxaan qaadi doonnaa tillaabada aan dooranno” – Ruushka oo u hanjabey dal NATO ka tirsan (Heshiis laga baxay)

0

(Hadalsame) 20 Juun 2022 – Dalka xubinta ka ah NATO ee Lithuania ayaa hadda si firfircoon ugu howllan wax uu Ruushku ku tibxay “gardarro toos ah” oo ka dhan ah Ruushka, sida uu yiri senatar Andrey Klimov ayaa ka doodayey Telegram Isniintan, isaga oo tixraacaya go’aanka Vilnius ee lagu joojinayo gaadiidka alaabada u socota gobolka Ruushka ka go’an ee Kaliningrad.

Sida laga soo xigtey siyaasigan Ruushka ah, oo madax u ah Guddiga Difaaca Qarannimada Ruushka, wuxuu diidmada in badeecadaha qaarkood ay soo maraan dhulkooda iyagoo u socda gobolkan Ruushka ah, ku tilmaamay inay Lithuania jebisey heshiis ay kala saxiixdeen Moscow iyo Brussels 20 sano kahor.

Ilaa Midowga Yurub uu waddankan xubinta ka ah u sheego inuu lugaha dhulka dhigo oo uu ku khasbo inuu ixtiraamo heshiiska, calaamad su’aal wayn ayaa saarraan doonta aasaaska sharciga xubinnimada Lithuania ee ururka laftiisa, Klimov ayaa ku dooday.

Senatarka ayaa carrabka ku adkeeyey in kiiskan, Moscow ay lahaan doonto gacan xor ah si ay u xaliso dhibaatada ay abuurtay gaadiidka loo diidey inay u gudbaan Kaliningrad ee Lithuania sii mari lahaa, ”si kasta oo aan annagu dooranno.”

Klimov ayaa ka hadlaya heshiis ay Ruushku la galeen EU oo ku saabsan Gobolka Kaliningrad, kaasoo ku taariikhaysan Nofeembar 11, 2002.

Xildhibaanka Ruushka ayaa intaa ku daray in in gaadiidka Ruushka aan la celin karin marka uu marayo dhulka Lithuania la dammaanad qaaday markii ay markii Lithuania ay ku biirtay NATO 2004-tii.

Hadalsame Media