Ukraine oo duqaysay xarun muhim ah oo uu Ruushku horay iyaga uga dhacay (Dad la la’yahay)

0

(Hadalsame) 20 Juun 2022 – Weerar laga shakisan yahay inay Ukraine ka dambayso ayaa lala beegsaday riigag qodaya xeebaha Crimea ee Badda Madow subaxnimadii saaka, sida uu sheegay madaxa gobolkaa ugu qaybsna Ruushka, Sergey Aksyonov, oo bayaan soo saaray.

Waxa uu intaa ku daray in Riigaggan ay ka shaqaynayeen 12-shaqaale ah oo shan ka mid ah la soo badbaadiyey oo 3 ka mid ihina ay dhaawac yihiin, inta kale wacaal lagama hayo, sida ay qorayso warbaahinta Ruushku.

Aksyonov ma uusan shaacin goobta saxda ah ee ay ku yaallaan riigaggani, balse waxa uu sheegay in ay leedahay shirkadda Chernomorneftegaz, oo ah shirkad horumarisa gaaska iyo goobaha saliidda ee xeebaha laga baaro ama ku yaalla.

Lahaanshaha goobahan ayaa waxaa sheegata shirkadda tamarta ee Ukraine ee Naftogaz waayo dhulkani wuxuu ka tirsanaa Ukraine oo laga xoogey 2014-kii, markaasoo la qarameeyay kaddib markii Crimea ay u codeysay in ay dib ugu biirto Ruushka, sida ay Moscow sheegatay.

Weerarka ayaa lala beegsaday riigagyo ku yaalla meel 71km u jirta dekedda Odessa ee Ukraine, sida ay ku doodday Olga Kovitidi, oo Crimea ku matasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Ruushka, oo la hadlaysey RIA Novosti.

Qaar ka mid ah warbaahinta dalka Ukraine ayaa sidoo kale sheegtay in galinkii hore ee maanta ay tobanaan gantaal ku dhufteen Jadiiradda Snake Island oo ah jasiirad yar oo ku taal xeebaha Ukraine, taasi oo muddo bilo ah uu maamulayay Ruushku.

Xildhibaanka laga soo doorto Ukraine Aleksey Goncharenko ayaase ku andacooday in qaar ka mid ah gantaalahaasi ay ku dhaceen riigagga gaaska halkii ay ku dhici lahaayeen jasiiradda.

Hadalsame Media