MW Puntland oo ”kashifay” arrin kale oo uu markii ugu horreeysey soo bandhigay & mid uu ku faanay

0

(Hadalsame) 20 Juun 2022 – Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, ayaa markii ugu horreeysay si faahfaahsan uga hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, Xamze Cabdi Barre, kaas oo aan weli laga ansixin Baarlamaanka DF Somalia.

MW Deni ayaa daboolka ka qaaday in aan wax wadatashi ah lagala samaynin magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub oo ah midkii ugu horreeyey ee kasoo jeeda Maamulka Jubbaland, la tashi la’aantaas oo uu ku tilmaamay arrin walaaciso ah oo aanu ku qanacsanayn.

Wuxuu dhanka kale tilmaamay saluug uu u jeediyey sida uu ”dhaqmay” Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, markii uu wadey geeddi-socodkii magacaabista Ra’iisul Wasaaraha magacaaban.

Si kastaba se, Siciid Deni oo warkan ka sheegay kulan uu la qaadanayey xildhibaannada Baarlamaanka Puntland, ayaa tilmaamay inuu guud ahaan ku faani karo wax uu ku sheegay guushii 15-kii Maajo ee keentay isbedelka ka dhacay Somalia, gaar ahaan dhanka hoggaanka dalka.

Siciid Deni ayaa horay dad badan ugu sir qarsaday inuu mid rajanayo midkood xilalka ugu sarreeya DF Somalia sida Madaxwaynaha ama Wasiirka Koowaad, balse wuxuu dib ugu laabtay Puntland isagoo aan midna ka helin, islamarkaana uu horyaallo khilaafka MW Xigeenkiisa Axmed Karaash iyo mowjado kale oo siyaasadeed oo maxalli ah oo uu sheegay inuu xallin doono.

Hadalsame Media