Warbaahinta Imaaraadka oo halkii ay xiriir ka hadli lahaayeen bilaabay inay duraan doorashadii uu kusoo baxay MW Somalia

0

(Abuu Dabeey) 19 Juun 2022 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaarey magaalada Abuu Dabeey ee caasimadda dalka Imaaraadka Carabta.

Sida lagu qoray The National oo kasoo baxa Imaaraadka, Sheikh Shakhbout bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan, oo ah Wasiiru Dowle, iyo dhowr sarkaal kale oo Imaaraati ah, ayaa Gegada Abuu Dabeey uga hortegey MW Somalia.

Yeelkeede, markii ay qoreen inay booqashadu rasmi tahay halkii ay xiriir ka hadli lahaayeen waxay diiradda saareen in Sheikh Shakhbout uu ka qaybgalay munaasabaddii csleemo-saarka ee MW Mohamud taasoo Muqdisho ka dhacday Juun 9.

Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa iyaduna 2 sadar oo qura ka qortay safarka MW Somalia iyadoo aan wax tafaasiil ah ka bixin waxa laga hadli doono iyo muhiimadda ay tusaalaynayso booqashadani.

Hadalsame Media