Somalia oo buuxisey shuruud caalami ah & hal arrin oo muhim ah oo aan weli wax laga qaban

0

(Hadalsame) 20 Juun 2022 – DF Somalia ayaa buuxisey shuruudaha barnaamijka lagu magacaabo hal-abuurka heerka xogta sanduuqa lacagta aduunka ee IMF ee loo yaqaanno (GDDS), taasoo noqonaysa tillaabo muhim u noqonaysa Somalia, sida la yiri.

Haashim Sheekh Cabdi Nuur oo ka tirsan howlwadeennada Hay’adda Tirakoobka Qaranka ayaa Universal Tv u sheegay in Somalia ay tillaabadan ku mutaysatay inay buuxisey shuruudaha nidaamka faafinta xogta guud ee dhanka sanduuqa Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).

Haashim Sheekh Cabdinuur ayaa intaa raaciyey in xogta Somalia haatan wixii ka dambeeya lagu soo daabici doono bogga hay’adda IMF, kaddib marka ay la wadaagto Hay’adda Tirakoobka Somalia.

Waxaa uu sheegay inay tahay markii ugu horreeysey ee ay “Somalia ku biirto nidaamkan ee xogteeda si rasmi ah loogu faafin doono sanduuqa”, waxaana xogaha halkaa lagu baahin doono ku jira kuwo kale oo aan dhaqaale ahayn sida tirakoonka dadwaynaha iyo arrimaha bulshada.

Waxaa kale oo uu xusay inay arrintani  ay sidoo kale muhiimad gaar ah siin doonto dayn-cafinta Somalia oo haatan maraysa marxaladihii ugu dambeeyey.

Yeelkeede, Somalia ayaan xitaa lahayn lacag qaran oo rasmi ah, iyadoo aan 31 sanadood lasoo samaynin wax lacag ah oo rasmi ah, marka laga reebo lacago ay si gaar gaar ah usoo samaysan jireen hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray, lamana hubo waxa ay Somalia ku kordhinayso in xogteeda lagu daabaco mareegaha IMF oo lacagaha ay bixinayso ay la socoto dulsaar dhabar-jab ah oo dib u bixin u baahan doona.

Hadalsame Media

Facebook Comments