Jarmanka oo bilaabay inuu iska dhuxulaysto kaddib markii uu dhirbaaxo caqliyaysan kala kulmay Ruushka

0

(Hadalsame) 19 Juun 2022 – Wasiirka Dhaqaalaha ee Jarmalka ayaa sheegay in wadankiisu uu xadidi doono isticmaalka gaaska dabiiciga ah dhanka wax soo saarka korontada xilli aad lagaga walaacsan yahay yaraanta suurtagalka ah ee ay sababtay jarista saadka gaaska Ruushka.

Tillaabadan ayaa timid kaddib markii uu Ruushku uu si wayn u dhimay qulqulka gaaska dabiiciga ah ee dhuumaha mara galbeedka Yurub boqolleey dhan 67%, taasoo sare u qaaday qiimaha tamarta.

“Si loo yareeyo isticmaalka gaaska, waa in la dhimaa gaaska loo isticmaalo dhalinta korontada. Wershadaha tamarta dhuxul-dhagaxda waa in si ka badan sidii hore loo isticmaalo bedelkeeda,” ayuu yiri Wasiir Robert Habeck oo war uu soo saaray sidan ku sheegay Axaddan.

Shirkadda wayn ee gaaska Dowladda Ruushka ee Gazprom ayaa sheegtay in dhimista saadka gaaska ah ee marinka Nord Stream ay tahay natiijada marawaxado dayactir u jira Canada oo lasoo celin waayey, laakiin saraakiisha Midowga Yurub ayaa rumaysan in Moscow ay ciqaabeyso xulafada Ukraine, halkaas oo au ciidamada Ruushku ay duullaan ku qaadeen dhammaadkii bishii Febraayo.

Hadalsame Media