XOG: MW Deni oo mid qirtay midna ka qoomameeyey (Eed Xasan ku socota & aragtida uu ka qabo RW Xamsa)

0

(Hadalsame) 19 Juun 2022 – Madaxwaynaha Puntland, Siciid Deni, ayaa maanta si cad ugu sheegay Xildhibaannada Baarlaman-goboleedka Puntland in uu ku ”khasaaray” dagaal siyaasadeedkii uu 3-dii sanno ee lasoo dhaafay ku hayey nidaamkii hore ee Dowladda Federaalka.

Md Denia ayaa intaa raaciyey in 3-dii sanno ee lasoo dhaafay uu galay dagaal adag, kaasoo uu ujeedkiisa ugu wayni ahaa sidii kursiga looga ridi lahaa MW hore ee Farmaajo, halkaasoo uu sheegay inuu rajaynayey inay Puntlandn ka hesho ribix siyaasadeed oo ay ugu yar tahay inay mid ku yeelato kuraasida waawayn ee dalka, taas oo uu sheegay in ay kooxo badani jillaafeeyeen oo xagal daaciyeen.

Xogta ayaa intaa ku daraysa in Deni uu dhaliilay islamarkaana uu ”balan-darro” ku eedeeyey Madaxwayne Xasan Sheekh oo ay xilligii ololaha olog ahaayeen, isagoo ku sifeeyey mid aan ”waxba dhaqaajin karin.”

Waxaa kale oo uu saluugey oo uu niyad xumo wayn ka muujiyey magacaabidda Raysal Wasaaraha cusub ee Xasan Cabdi Barre, isagoo sheegay in waxgalnimadiisa 120 cisho ama 4 bilood lagu tijaabin doono.

Wuxuu kale oo duray kalsoonida lagu qabi karo iyo guud ahaanba tayada Xukuumadda uu dhiso doono Md Barre, isagoo sheegay inaanu noqon doonin nin madax-bannaan, sida uu u sheegay xildhibaannada.

Hadalsame Media