Su’aal ka taagan qaabka ay Kenya u wajahayso dib u furista suuqa Jaadka ee Somalia

0

(Nairobi) 19 Juun 2022 – Kenya ayaa sheegatay inay ku dhowdahay inay dib u hesho suuqa Miroowga ee Soomaaliya iyadoo heshiis la filayo in la saxiixo horraanta bisha Luulyo ee soo aaddan.

CS Peter Munya ayaa Sabtidii shaaca ka qaaday in wadahadallada u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay galeen heerkii gebagebada iyadoo heshiis la filayo laba toddobaad gudahood.

“5-ta Luulyo, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya mar uu ka hadlayey ololaha Azimio ee Garoonka Kinoru stadium ee Maamulka Meru county.

Soomaaliya ayaa hakisay soo dejinya Miiroowga Kenya 2 sanadoo kahor Maarso 19, 2020, iyada oo u sababaysay xayiraadihii Covid-19, balse kaddib waxba kama bedelin xitaa markii ay dunidu isu furantay. Kenya ilaa 50 tan oo Jaad ah gaysa meelo ay ugu badan tahay Muqdisho iyadoo ka hesha ugu yaraan Sh20 milyan oo shilin maalintii.

Yeelkeede, waloow ay Kenya tan iyo caleemo-saarkii iyo doorashadii MW Xasan Sheekh ku celcelinayso in Jaadka dib loo fasaxayo marna DF Somalia arrintan kama hadlin, sidoo kale lama oga shuruudaha ay Somalia la hor tagtay Kenya oo aan hadda ka hadlin wax ay noogu bedelayso Jaadkeeda, balse sheegaysa uun in heshiiska Nairobi lagu saxiixayo xilli aan la ogayn goorta la wada hadlay iyo tibxaha la is hor dhifgay.

Kenya ayaa sidoo kale sii wadda faragelinta qaawan ee arrimaha gudaha Somalia, iyadoo todobaadkii tegey oo qura samaysay laba fal oo daandaansi ah.

Hadalsame Media