Taangi Ukraine loogu deeqay oo uu cashar u dhigay taangi uu Ruushku leeyahay oo casri ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 19 Juun 2022 – Dalka Ukraine oo uu Ruushku kusoo duuley 24-kii Febraayo ayaa dalal badan hub ka yaboohsaday waxaana uu helay hub fara badan oo ay siiyeen dalal u badan Galbeedka.

Hubka la siiyey waxaa ka mid ah tawaangida T-72M oo ay si wayn u maduufikaysey Poland waloow uu asal ahaan Ruush yahay, iyagoo ku xirey elektaroonig iyo agab kale oo ay NATO adeegsato.

Yeelkeede, tawaangidan oo ku caan ah magaca Polish T-72M ayay warbixinnadu sheegayaan in huf looga dhigay dagaalladii ugu dambeeyey ee bariga Ukraine.

Xoguhu waxay sheegayaan in gaar ahaan loo xusay taangiga casriga ah ee Ruushka ee BMPT Terminator oo sita hub ka badan taangiyada taqliidiga ah ee soo jireenka ahaa.

Waxaa xitaa la xusay in Terminator uu wax uun ka goyn kari lahaa taangiga kale ee isna Ruush-sameega ah ee PT-91T iwm, balse T-72M aad looga itaan roonaaday bandhig ahaan iyo hab-dhaqaaq ahaanba.

Taangiga PT-91T
Taangiga T-72M
BMPT Terminator

Hadalsame Media