”Taas marna hannaga suginina” – Ukraine oo loo sheegay inaysan sahlanayn sida lagu galo Midowga Yurub & Shuruudaha

0

(Hadalsame) 19 Juun 2022 – Midowga Yurub ayaa caddeeyey inuusan dalka Ukraine u dhowayn inuu noqdo waddan xubin ka ah ururkaasi, sida ay sheegtay Madaxwayne Xigeenkii hore ee Baarlamaanka Yurub, Katarina Barley.

“Waa in aanay dhicin xubbinnimo deg deg ah,” ayay tiri Barley oo la hadashay Neue Osnabrucker Zeitung. “Balse marka uu dalku galo EU, lagama saari karo.”

Waxay tilmaamaysey dalka Hungary, oo dawladeeda muxaafidka ihi dhaliilo kala kulmaysey Brussels oo ku eedaysay inay meesha ka saartay sharcigii.

“Waxaa aad muhiim u ah in shuruudaha ku biiritaanka EU, sida xasilloonida hay’adeed, dhaqaale suuq ku dhisan oo shaqeeynaya iyo ku dhaqanka sharciga, oo ay tahay in si buuxda loo dhaqangeliyo,” ayay tiri Barley.

Warkan ayaa imanaya xilli ay Guddiga Maamul ee Yurub ay jimcihii ku taliyeen in Ukraine la siiyo maqaam aqoonsi musharraxnimo, taasoo ah tillaabada ugu horreeysa ee waddada dheer ee xubinnimada. Go’aankan ayaa waxaa lagu soo gabagabayn doonaa shir dhacaya todobaadka soo socda

Hadalsame Media