Arrin u muuqata mid “qorshaysan” oo beryahan lagu kacayo madaxda mucaaradka Somaliland (Arag sawirrada)

0

(Hadalsame) 18 Juun 2022 – Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, ayaa soo bandhigay taayarro gurigiisa lagu hor gubey.

“Sida Sawirrada hoose ka muuqata, waxaa xalay guriga aan Hargeysa ka deggenahay kadinkiisa lagu gubay Taayir gaadhi oo dabkiisii uu dhaawac gaadhsiiyey albaabka. Sida laga warqabana falkan mid la mid ah ayaa hore uga dhacay guriga guddoomiyaha xisbiga, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,” ayuu ku bilaabay qoraal uu soo saaray.

“Waa arrin ugub ku ah Somaliland oo muujin karta, in uu jiro qorshe siyaasadeed oo lagu khalkhal gelinayo ammaanka madaxda xisbiyada mucaaradka.

“Bilayska ayaan ku wargeliyey kiiskan, sidaas awgeed waxa aan fursad siinayaa baadhistooda, waxa aanan ka warsugayaa talaabada ay ka qaadi doonaan.

“Waxa se muhiim ah in aan xuso in xukuumadda uu waajib ka saaranyahay sugidda ammaanka muwaadin kasta oo ay ka mid yihiin madaxda xisbiyada mucaaradku, iyada ayaana looga fadhiyaa in ay jawaab ka bixiso sababta ay u dhici karaan foolxumooyin noocan ahi.” Ayuu raaciyey.

Hadalsame Media