Maraykanka oo ka baqaya inuu Ukraine siiyo sababtuna ma aha dhinaca la moodayo + Sawirro

0

(Washington, DC) 18 Juun 2022 – Aqalka Cad ayaa diyaariyey in qorshe 4 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-1C Gray Eagle ay ugu diri lahayd Kiev la hakiyo sabab la xiriirta cabsi laga qabo in tignoolajiyadaasi ay ku dhacdo gacanta Ruushka, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters Jimcihii, iyadoo soo xiganaysa dad arrintan la socda.

Sida ay qorayso warbixintu, iibka markii hore waxaa ansixiyey Aqalka Cad, laakiin markii dambe waxaa calaamadeeyay Maamulka Amniga Tiknoolajiyada Difaaca Pentagon (DTSA), taas oo u xilsaaran ka ilaalinta tignoolajiyada qiimaha sare leh “gacmaha cadowga”, sida la yiri.

Saraakiisha ayaa la sheegay inay ka walaacsan yihiin in raadaarka diyaaradda iyo qalabka wax lagu basaaso ay gacanta ku dhigaan Ruushku.

Arrintan ayaa markii hore laga il-duufsanaa, laakiin waxay soo if-baxday xilli uu socdey kulan ka dhacay Pentagon-ka dabayaaqadii todobaadkii hore, sida ay tiri Reuters.

Ilaha ayaa laga soo xigtey sidoo kale in raadaarka iyo dareemayaasha ku xiran daroonnka ay hadda suurtagal tahay in lagu beddelo agab “aan casri u ahayn” sida kuwa caadiga ah si daroonka loo siiyo Ukraine, laakiin taas in la dhammaystiro waxay qaadan kartaa bilo.

Daroonka Gray Eagle waa nooca cusub ee kan Ciidanka Marakanka ee MQ-1 Predator-ka aan duuliyaha lahayn, kaas oo si wayn loogu adeegsaday duqaymaha cirka ee Bariga Dhexe.

Sida midka la yiraahdo Predator, daroonka Gray Eagle wuxuu qaadi karaa gantaalaha Hellfire, iyadoo uu awal qorshuhu ahaa inay Ukraine hesho horraantii bishan Juun.

Hadalsame Media