Garoowe, agab xilligan abaartu jirto aad muhim ugu ahaa oo laga la’yahay bakhaarradii lagu kaydiyey

0

(Garoowe) 18 Juun 2022 – Sida wararka lagu helayo, boqollaal kartoon oo ay ku jiraan buskudka carruurta lagu nafaqeeyo ee maxalli ahaan loo yaqaan ”Buskud-dhiiq” ayaa laga la’yahay bakhaarradii lagu kaydiyey ee ay yaalleen.

Kaaga darane, bakhaarrada ay ku kaydsanaayeen ee laga la’yahay waa kuwa Wasaaradda Caafimaadka Maamul-goboleedka Puntland, sida ay xaqiijinayso warbaahinta maxalliga ihi.

Buskudkan ayaa loogu talagalay in loo qaybiyo gobollada kala duwan ee Puntland si loo gaarsiiyo carruurta u baahan nafaqaynta, xilligan ay abaaruhu jiraan.

Arrintan ayaa abuurtay wel wel ku aaddan badqabka agabka adeegga guud ee caafimaadka ee lagu kaydiyo bakhaarrada ay maamusho Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo la fahamsan yahay in la musuqo, sida uu qorayo Puntland Post.

Dalka Somalia ayaa sanad kasta kaalinta 1-aad ama 2-aad ka galay kan ugu musuqa badan dunidan oo idil, iyadoo aanu weli jirin nidaam hufan misna wax ku ool ah oo saaxi u shaqaynaya.

Hadalsame Media