”Sidee ku heleen?!” – Maraykanka oo ka war helay in agabyo muhim ah oo uu isagu sameeyo ay ku xiran yihiin hubka Ruushka (Baaris bilaabatay)

0

(Hadalsame) 17 Juun 2022 Booliiska Federaalka Maraykanka ee FBI iyo Waaxda Ganacsiga ee Maraykanka ayaa billaabay baaritaan ku aaddan sheegashada in chips-ka kombuyuutarrada ee Maraykanka lagu sameeyey laga helay qalabka millateriga Ruushka ee ka dagaallamaya Ukraine, sida uu kashifay Washington Post.

Wakiillada Dowladda ayaa booqanaya shirkadaha iyagoo waydiinaya sida chips-kooda iyo qaybaha kale ay ugu gacan galeen Ruushka oo ku xirta raadaarrada, daroonnada, taangiyada, agabyada hubka laga xukumo ama laga gano iyo qaar kale, sida ay “dad arrintan xog ogaal u ihi” u sheegeen wargeyska.

“Hadafkeennu waa inaan dhab ahaantii isku dayno inaan dib u raacno agabkaasi, ilaa iyo dib ugu noqoshada saanad-qaybiyaha Maraykanka ah” si aannu u ogaanno “sida ay Raashiya ku heshay agabkaas,” sida uu yiri mid ka mid ah saraakiisha Waaxda Ganacsiga Maraykanka.

Sida ay Moscow agabkan ku heshay ayaa Maraykanka uga muhiimsan inay shirkadaha laftooda baaris gaar ah ku sameeyaan, sida ay sheegeen qolyaha baarista wada.

Qarreen u doodaya mid ka mid ah shirkadadaha ay arrintani saameysay ayaa u sheegay Washington Post in baarayaashu ay tuurayaan “shabaq ballaaran,” iyaga oo waydiinaya in shirkadaha tignoolajiyaddu ay agabkan ka iibiyeen shirkado gaar ah oo ay liis ka hayaan, iyo inay sidoo kale meesha ku jiraan u kala dab-qaadayaal laga yaabo in ay ku lug lahaayeen silsiladda saadka, oo inta agabka iyaga ka iibiyey kasii iibiyey Moscow.

Kaddib bilaabashadii weerarka Moscow ee Ukraine, Maraykanka iyo qaar badan oo ka mid ah xulafadiisa ayaa mamnuucay ka iibinta chips-ka kombuyuutarka ee shirkadaha difaaca Ruushka waxayna kusoo rogeen xannibaado culus, iyadoo Ruushka ilaa xad looga horreeyo tiknolojiyadda dhankan.

Hadalsame Media