Weriye Jamaal Cusmaan oo ”kashifay” xiriir ka dhexeeya madax ka kala tirsan DF Somalia & Al Shabaab (Daawo)

0

(Hadalsame) 17 Juun 2022 – Jamaal Cusmaan oo ah weriye madax-bannaan oo warbixinno u dira hilinka Channel 4 ayaa dhowaantan warbixin ay dad badani ku tilmaameen mid uu ‘iidheh ugu samaynayo” kooxdaasi kasoo sameeyey Al Shabaab.

Dad badan ayaa xitaa soo jeediyey in ninkan iyo xitaa Channel 4 gebi ahaanba laga mamnuuco soo gelitaanka Somalia, balse Jamaal oo isna is difaacey ayaa soo jeediyey su’aal waaqici ah kaddib markii uu si dadban u ”kashifay” arrin jirta.

”Dad Al Shabaab ka tirsan iyo rag Dowladda ka tirsan oo isku reer ah ayaa wada hadla oo tol ahaan u wada hadla. Maxaa Soomaali ahaan loogu wada hadli la’yahay?” ayuu is waydiiyey.

Arrintan ayaa xoojinaysa xamxam badan oo horay u jirtey iyo kiisas badan oo horay u dhacay oo la arkay oday-dhaqameedyo bixinaya ama u doodaya dad laga qabtay kooxda Al Shabaab.

Su’aashuna waxay tahay in haddiiba sidaa la iskugu milan yahay ummadda aan waxba galabsan loo laynayo, dalkana ficiis looga reebayo dagaalkan dib u dhaca wayn gaarsiiyey adduun iyo aakhiraba?

Hadalsame Media