DAAWO: Muxuu RW magacaabani ka aaminsan yahay maqaamka Muqdisho! (Arrin uu cadaalad darro u arko)

0

(Hadalsame) 17 Juun 2022 – Waxaa in badan lagu doodaa maqaamka magaalada Muqdisho oo walow 22 sano kahor lasoo jeediyey in la qayaxo weli ah baradho kulul oo aan ur loo bixin.

Waxaa hadda fikirkiisa horay uga dhiibtey RW magacaaban ee Xamsa Cabdi Barre, kaasoo mar uu ka hadlayey kulan aqoon is waydaarsi ah ka dhawaajiyey aragti muhim ah, waloow uusan aadin dhinaca in magaalada la siiyo maqaam Maamul-goboleed oo buuxa.

Wuxuu aad u duray qorshe uu Farmaajo soo jeediyey in 13 Senatar la siiyo Gobolka Banaadir, taasoo aan shaqaynin maadaama aan la marin hab-raac qaab leh.

Wuxuu taa biddaalkeeda Barre soo jeediyey in Muqdisho oo uu qiray inay ku dulman tahay canahuurta kaligeed laga qaado ee aan misna wax adeegyo ah loogu qaban.

Wuxuuna iftiimiyey inay magaaladu marka 1-aad u dooddo adeegyada ay ka mid yihiin ammaanka, biyaha, jidadka, inay yeelato maamul ay soo doorato oo aan loo magacaabin iwm, kaddibna maqaamka loo raaco sida ku qoran Dastuurka oo ah in la qayaxo.

Yeelkeede, waloow uusan Barre xil qaran haynin markii uu warkan sheegayey, misna ma cadda in haddii la ansixiyo uu u dhaqaaqi doono in la qayaxo maqaamka magaaladan oo uu maamulba mid usii dhiibayo isagoo waxba meel marin.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media