Xaaska Jullian Assange oo kashiftay arrin halis ah oo uu ku dhaqaaqi doono ninkeedu

0

(Hadalsame) 17 Juun 2022 – Xaaska Julian Assange ayaa hadda shaaca ka qaadday in ninkeedu uu wacad ku maray inuu is dili doono haddii loo gacangeliyo Maraykanka xilli ay Priti Patel saxiixday amar ah in loo diro Virginia si uu u wajaho eedaymo basaasnimo ah oo keeni kara 175 sano oo xarig ah.

Dagaalka sharciga ah ee lagu joojinayo in Julian Assange loo dhiibo Maraykanka ayaa sii socda inkasta oo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu saxiixay amar lagu gacan gelinayo aasaasihii WikiLeaks.

Xaaskiisa Stella Assange ayaa waxay ballanqaaday inay go’aankan kula dagaallanto “dariiq kasta oo bannaan”, iyadoo leh: “Waxaan u isticmaali doonaa saacad kasta oo soo jeed ah inaan u dagaallamo Julian ilaa uu xor ka noqdo.”

Waxay kale oo sheegtay in ninkeedu uu si cad ugu sheegay “dhowaan” inuu qorshaynayo inuu is dilo haddii la dhiibo.

Australian-kan ayaa in ka badan saddex sano ku xirnaa xabsiga Belmarsh ee magaalada London kaddib markii laga soo saaray Safaaradda Ecuador oo uu ku noolaa tan iyo 2012-kii.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Priti Patel, ayaa go’aankeeda qaadatay Jimcahan.

Hadalsame Media