Ruushka oo ”musiibo saanadeed” oo kusoo socota uga digey dal wayn oo NATO ka tirsan (Ruushka oo fursad wayn helay)

0

(Hadalsame) 16 Juun 2022Safiirka Ruushka ee Midowga Yurub, Vladimir Chizhov, ayaa maanta ka digey in arrimaha dayactirka ee marawaxadaha bamka dhuumaha Nord Stream ay keeni karaan in gebi ahaanba la joojiyo sahayda gaaska dabiiciga ah ee mara dhuumahan.

Xaaladdan oo kale waxay keeni doontaa “musiibo saanadeed oo ku dhacda Jarmanka,” kaas oo si wayn ugu tiirsan gaaska lagu keeno dhuumahan, ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee RIA Novosti isagoo jooga madasha St. Petersburg International Economic Forum (SPIEF).

Dhuumaha Nord Stream waxay hoos loo dhigay qulqulkii gaaska marayey Badda Baltic ee tegayey ilaa Jarmanka qiyaastii 60% usbuucan kaddib markii ay shirkadda Jarmanka ah ee Siemens ay ku guuldareysatay inay soo celiso marawaxadaha bamka gaaska riixa, oo dayactir ahaan u jirey gudaha Canada, sabab la xiriirta cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka.

Saanadda gaaska ah ee la sii mariyo dhuumahan ayaa hoos uga dhacay 167 milyan oo mitir kiyuub ah maalintii, ilaa ay hoos ugu dhacaan ilaa 67 milyan oo mitir kiyuub ah oo keliya.

“Waa inaan waydiinnaa shirkadda Siemens, sababta unugyada gaaska lagu bambeeyo ay tahay in dayactir ahaan marka horeba loogu qaado Canada?” ayuu ku qayliyey Chizhov, isagoo raaciyey: “Ma doonayo inaan wax talo ah bixiyo, laakiin waxaan u malaynayaa inay laftoodu xilligan baran kari lahaayeen sida loo dayactiro [mashiinnada].”

Qiimaha gaaska dabiiciga ah ee Yurub ayaa kor u kacay in ka badan $1,500 kunkii mitir kiyuubik maalintii Khamiistan markii ugu horreeysey tan iyo bishii Abriil, sida laga soo xigtey xogaha Suuqa Sarifka London ICE Exchange.

Arrintan ayaa ka dhigan in reer Galbeedku, gaar ahaan Midowga Yurub ay iminka isku jafaalinayaan xarko ay iyagu isku xireen, kuwaasoo uu Ruushkuna uga sii faa’iidaysanayo, kaasoo gaaskiisa uga iibinaya qiime 3 jeer ka badan intii uu ugu kacayey cunaqabataynta kahor.

Hadalsame Media