Nooca uu yahay & xaddiga kalluunka ay xeebaha Somalia ka jillaabtaan maraakiibta Faransiiska & Spain oo la sheegay (Tillaabo caato ah oo….)

0
Fishermen release bait fish during pole and line fishing practice to catch skipjack tuna. Pole and line fishing is a selective and therefore more sustainable way to catch tuna as only fish of a certain size are caught, leaving juveniles to grow to spawning age and replenish the stock in the future. Small bait fish are thrown over the side of the boat to lure the tuna to the water surface. The fishermen use the acceleration of the fish as they race to get their prey, hook them and fling them onto the ship's flat deck.

(Hadalsame) 16 Juun 2022 – Maraakiibta kalluumaysiga ee Isbaanishka iyo Faransiiska oo la ogaadey inay si sharci darro ah uga kalluumeystaan Badwaynta Hindiya waxaana haatan lagu daray liiska madow kaddib markii ay Blue Marine Foundation oo badaha u doodda ay arrintan horay u kashiftay.

Guddiga Tuunnada Badweynta Hindiya (IOTC) ee liiskaa geliyey ayaa sheegay in maraakiibtan lagu helay inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen aagga dhaqaalaha gaarka u ah dalalka Soomaaliya, Mauritius, Hindiya iyo Mozambique; iyaga oo aan haysan haysan ogolaanshaha dalalkan.

Warbixin xaaladeed oo ay soo saartay IOTC, oo la sii daayey intii lagu guda jirey Kalfadhiga 26-aad ee IOTC oo ka dhacay Seychelles ayaa tiri: “Raxanta doonyaha noocaan oo kale ihi waxay burbur aan dib loo celin karin lana soo koobi karin u gaysataa ​​baddeena, waxayna khatar ku tahay nolosha badda iyo dadka ku tiirsan ee adduunka oo dhan.”

Maraakiibtan Faransiiska iyo Spain ayaa 97% waxay qabsadaan Tuunnada Waafyaha Jaallaha ah leh xaddi ka badan inta uu jillaabto dal kasta oo kale oo ku yaalla Badwaynta Hindiya.

IOTC, oo ah hay’ad caalami ah oo loo igmaday in ay ilaaliso khayraadka kalluumeysiga ee Tuunnaha iyo kalluunka Tuunnaha u eg ee Badwaynta Hindiya ayaa sidoo kale baraarujiya isticmaalka farsamooyin kalluumeysi oo habboon.

Guddiga OITC ma sheegin tirada maraakiibta la mamnuucay balse waxay xaqiijiyeen in dhammaan maraakiibta sidata calamada labadan dal aan dib dambe loogu ogolaan doonin inay ka kalluumaystaan aagga Badweynta Hindiya oo ah Badda 2-aad ee dunida oo idil ugu kalluun badan marka ay timaaddo kalluunka tuunnaha oo uu aad u jecel yahay afka wayn ee sii baahanaha ee adduunka.

Dalka leh xeebta ugu dheer ee Badwaynta Hindiya oo ah Somalia ayaan lahayn ciidan badeed iyo siyaasad qaran oo ilaalisa baddaasi, taasoo keenta inaan kaliya laga kalluumaysane sun halis ah lagu qubo.

Tan ugu darani waa in Midowga Yurub oo sheegta inuu burcad badeed ka ilaaliyo Somalia uu doonayo in loo kordhiyo rukhsadda ay ciidamadoodu ku joogaan biyaha Somalia, iyagoo aan marna soo sheegin maraakiibtan sida tarab tarabta ee misna sharci darrada ah uga jillaabanaysa xeebaha dagan ee dalka Somalia.

Hadalsame Media