Rikoodhada cusub ee RW Xamsa & waxa laga fasiran karo ra’yigiisa siyaasiga ah

0

(Hadalsame) 16 Juun 2022 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa 30 maalmood kaddib Ra’iisal Wasaare u magacaabay Xamsa Cabdi Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee cusub, xubinna ka ahaa xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh.

Xamsa oo waxbarashadiisa kusoo qaatay Muqdisho, Yaman iyo Malaysia, sidoo kalena ah nin isaga oo ka yimid bahda waxbarashada xilal badan oo farsamo kasoo qabtay DF Somalia iyo maamullada qaar sida Banaadir iyo Jubbaland ayaa noqday RW ugu horreeyey ee Kismaayo ku dhashay ee xilkaa ka qabta dalka, wuxuuna sidoo kale jebinayaa dhowr gidaar oo wada horseed ah, sida inuu yahay siyaasigii 2-aad ee xil sare qabta ee uu magaciisa 3-aad Barre yahay, wuxuu kale oo yahay RW ugu horreeyey ee ka socda Jubbaland. Sidoo kale waa RW-hii 4-aad ee uu magaciisa 3-aad ku dhamaado xarafka ‘’E.’’

Haddaba, aannu usoo noqonnee maxaa laga filan karaa RW magacaaban ee Xamsa Cabdi Barre?

1 – Sababta uu MW Xasan Sheekh u xusayba marka laga ambaqaado, Barre wuxuu ka mid yahay xayndaabka hoose ee Xasan Sheekh oo waa nin ay isku xisbi yihiin muddo dheerna ay jidadkoodu is goynayeen, halkaa waxaa laga filan karaa xasillooni siyaasadeed.

Dadka qaar ayaa aaminsan in lagu naalloon doono ugu yaraan 2 sanadood oo xasillooni siyaasadeed ah.

2 – Maadaama uu yahay nin inta badan dalka joogey gaar ahaan Muqdisho, dad badan oo si hoose axwaashiisa uga war qabaa waxay filayaan inuu diiradda saari doono 2 arrimood oo ay midi tahay amniga dalka oo ah meesha ugu daran jebisa ama kabta siyaasadda Somalia.

Tan 2-aadi waa inuu wax ka qabto dhanka howgelinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada oo ah dabaqadda bulsho ee dalka u badan inta badanna ay ku dhacdo dhibaatada ragaadey ee Somalia iyo arrimo kale.

Ugu dambayntii Xamsa Barre wax badan baa hor yaalla isaga ayayna ku xirraan doontaa inuu baalmaro ama kasoo baxo hadba baabkii uu furo.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media